Qiimaynta Xili Ciyaareedkiisii Ugu Horeeyay Ee Juventus, In Uu Taariikh Ku Dhigay Saddexda Horyaal Ee Premier league, La Liga & Serie A iyo Cristiano Ronaldo Oo Mustaqbalkiisa Iyo Qodobo Kale Ka Hadlay.

Xidiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa si cad uga hadlay mustaqbalkiisa Juventus kadib markii uu kooxdiisa kula guulaystay koobkiisii ugu horeeyay ee Serie A. Ronaldo ayaa noqday xidigii abid ugu horeeyay ee kuwada guulaystay horyaalada Premier league, Serie A iyo La liga.

Kadib markii uu ka qayb galay dabaal degii waalida ahaa ee ay ciyaartoyda Juventu ku sameeyeen qolka labiska iyo garoonka dhexdiisa ee kadib guushii Fiorentina ee ay koobka Serie A ugu guulaysteen, Ronaldo ayaa hubaal ka dhigay in uu sii joogayo Juventus.

Cristiano Ronaldo ayaa tilmaamay in boqolkiiba kun jeer oo jeer ay hubaal tahay in uu sii joogayo kooxdiisa Juventus, wuxuuna biyo qabow ku shubay wararkii sheegayay in uu cadhaysan yahay oo uu ka baxayo Juventus.

Cristiano Ronaldo oo ka jawaabaya haddii uu Juventus sii joogayo ayaa yidhi: “Anigu waxaan sii joogayaa Jue boqolkiiba kun jeer. Aniga fikrad ahaantayda waxa uu ahaa xili ciyaareedkii ugu horeeyay oo aad u fiican isla markaana si fiican ayaan ula qabsaday”.

Ronado oo ka hadlaya guu uu Juventus la soo gaadhay ayaa yidhi: ” Waxaanu ku guulaysanay  Scudetto iyo Super Cupka Talyaaniga taas oo aan xaqiiqdii wax sahlan ahayn in la gadho. Kadib markii aan England iyo Spain ugu soo guulaystay horyaalada, waxaan hadda sidoo kale sheegi karaa in aan Italy ugu guulaystay. Aniga muhiim ayay ii ahayd, aad ayaan ugu faraxsanahay”.

Cristiano Ronaldo oo qiimaynaya in Juventus ayna ku guulaysan karin Champions League ayaa yidhi: “Waxa uu ahaa sanad guul ah, waanu ku faraxsanahay. Waqtiga oo dhan ma guulaysan kartid. Waxaanu dareenay in aanu samayn karnay wax ka badan, waxaananu doonaynay in aanu guulaysano, laakiin koox kaliya ayaa ku guulaysan karta Chamipons league”.

Intaa kadib Ronaldo ayaa ka hadlaya sanadka soo socda iyo Champions league ayaa yidhi: “Sanadka soo socdaa waa bog cusub. Taageerayaashu dhamaantood way doonayaan, isla markaana anaguna waanu doonaynaa, waa koob muhiim ah, laakiin waa wax aadag in tartankan halkaas la tagaa, waa koox fiican, waxaanan aaminsanahay in uu xili ciyaareed fiican ahaa”.

Cristiano Ronaldo ayaa ciyaartoyda iyo jamaahiirta kooxdiisa Juventus kula dagaal degaya taariikhda ay Serie A ka sameeyeen ee ah in ay markii siddeedaad oo xidhiidh ah ay hanteen koobka horyaalka Talyaaniga.