Qiimaynta Qaabkii Ay Suuqa Xagaaga Uga Adeegteen LIXDA Kooxood Ee Ugu Waaweyn Premier League – Kooxdee Kaalinta Koowaad Gashay?

Shalay ayaa si rasmi ah albaabada loogu laabay suuqa kala iibsiga ee England iyo kooxaha Premier League waxaana ay ahayd maalin guud ahaan kooxaha dalkaasi ay si weyn suuqa ugu jireen oo ay saxeexyo badan dhammaystireen.

Suuqa ayaa ahaa mid kooxaha ugu heerka sarreeya England ee Premier League u kala duwanaa iyadoo kooxaha qaar ay dhawr saxeex shalay oo kaliya ku sameeyeen halka kooxo kale ay gabi ahaanba ahaayeen kuwo aan shaqaynayn.

Haddaba, Waxaanu halkan hoose idiinku soo bandhigaynaa qiimaynta lixda kooxood ee ugu waaweyn Premier League ee suuqii xagaaga ee shalay kasoo xidhmay iyo sida ay kaalmaha ugu kala sarreeyaan.

6: Liverpool

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Eden Hazard Oo Seegaya Kulankiisii Ugu Horeysay Ee La Liga & Dhaawaca Hazard Oo Walwal Ku Ah Zidane

Xagaagan ayaa mid hoose u ahaa Liverpool, Goolhaye Adrian ayaa kusoo biiray si uu u bedelo Mignolet oo baxay halka ay lasoo saxeexdee kaliya labada da’yar ee Sepp van den Berg iyo Harvey Elliott oo aan wax saamayn ah ku yeelan doonin shaxda kooxda.

Walow ay Liverpool ilaashatay hantideeda ugu muhiimsan ee ah ciyaartoydeeda waaweyn haddana waxay ka qoomamayn doontaa luminta fursadii ay iskugu xoojin karayeen la tartanka Manchester City.

5: Manchester United

United ayaa soo xoojisay halkii ugu darnayd ee daafaceeda waxaana ay lasoo saxeexatay Wan-Bissaka iyo Maguire balse inaysan wax khad dhexe ah keensan iyadoo mustaqbalka Pogba uu shaki ku jiro ayaa hoos u dhigaysa.

SIDOO KALE AKHRISO:  Real Madrid Oo Mushahar Ay Adagtahay In La Diido Miiska U Saartay Neymar JR & Haddii Uu Ugu Dambayn Go'aansaday Inuu Barcelona Dhabarka U Jeediyo.

Sidoo kale waxa dib u dhac ku ah Red Devils in ay fasaxeen Romelu Lukaku iyagoon bedelkiisa helin taas oo ku yaraynaysa weeraryahanada.

4: Chelsea

Chelsea ayuu saamayn xun ku yeeshay ganaaxa suuqa ka saarani balse inay si rasmi ah haatan u haysato Kovacic iyo Pulisic isla markaana ay amaah ku fasaxeen Drinkwater 8 Milyana ku iibiyeen David Luiz ayaa wali guul u ah.

3: Manchester City

Guardiola ayaa ugu dambayn helay bedelka Fernandinho oo noqonaya Rodrigo sidoo kale waxa uu lasoo saxeexday Joao Cancelo, Angelino iyo Scott Carson iyo Pedro Porro oo shalay kusoo biiray, Guud ahaan Sky Blues ayaan suuqa wax badan uga baahnayn isla markaana keensaday tayo ka dhinayd oo sii xoojinaysa.

SIDOO KALE AKHRISO:  LA OGAADAY: Qoddobkii Waalida Ahaa Ee Uu Harry Maguire Ka Diiday Man City Si Uu Ugu Wareego Man United Oo La Ogaaday.

2: Tottenham

Tottenham ayaa loo aqoonsan yahay inay tahay kooxda heshay labada saxeex ee xagaagan ugu wanaagsan ee Premier League laga sameeyo waana Tanguy Ndombele iyo Giovani Lo Celso oo ay khadkeeda dhexe kusoo xoojisay, Spurs ayaa sidoo kale helay Ryan Sessegnon sidoo kalena iska iibiyay Jansenn.

1: Arsenal

Gunners dhawaanahan sidanoo kale suuqa ugama adeegan, Waxay heleen Nicolas Pepe, David Luiz, Keiran Teirney iyo Dani Ceballos halka ay sidoo kale ganacsi weyn sameeyeen oo ay £34 Milyan ku heleen Iwobi oo Everton ku biiray iyo Kosceilny oo ay 4.6 Milyan kaga heleen Rennes.