Qiimaynta Ciyaatoyda Barcelona & Atletico Madrid Ee Kulankii Ay Labada Kooxood Barbaraha Ku Galeen Estadio Wanda Metropolitano

Kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa barbaro ku galay Estadio Wanda Metropolitano kadib markii uu Ousmane Dembele daqiiqadii ugu danbeeyay ee waqtigii rasmiga ahaa ee ciyaarta uu kooxdiisa Blaugrana u keenay goolka ay guuldaro kaga badbaaday wuxuuna kansalay gool uu Diego Costa u saxiixay Atletico.

Garoonka Estadio Wanda Metropolitano ayaa si layaableh loo soo buuxiyay waxayna Atletico Madrid u muuqatay mid guushii ugu horaysay ee La Liga ka gaadhaysay Barca tan iyo sanadkii 2010 isaga oo Simeone rajaynayay in uu guushiisii ugu horaysay ka helo Barca ee kulan La Liga ah balse Dembele ayaa ka diiday.

Barcelona waxay wali hogaaminaysaa La Liga waxaana kaalinta labaad ku jirta Atletico Madrid balse haddii ay Sevilla guul ka gaadho kooxda Real Valladolid waxaa hogaaminta La Liga la wareegi doonta Sevilla oo hadda kaalinta saddexaad ku jirta.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ee kulankii xiisaha badnaa ee ka dhacay garoonka Estadio Wanda Metropolitano.

Haddaba halkan kaga bogo qiimaynta ciyaartoy kasta oo ka soo muuqday kulankan iyo waxa uu bandhigiisii u gooyay ee qiimayn ah.

Xidigii Garoonka: Lionel Messi ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa inkasta oo aanu xataa soo bandhigin qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa haddana xogta loo diwaan galiyay ayaa ka dhigtay laacibkii ciyaarta ugu fiicnaa.

Lionel Messi ayaa sameeyay caawinta goolkii Dembele, wuxuuna sameeyay 9 gambis oo uu ciyaartoyda Atletico Madrid ku dhaafay mana jiro ciyaartoy kale oo ku soo dhawaa isaga oo waliba ceebayay qaar ka mid ah ciyaartoyda Atletico Madrid oo uu Griezmann ku jiro kaas oo uu xataa lugihiisa ka soo saaray kubbada.

Lionel Messi ayaa 4 darbo ku tuuray goolka Atletico madrid wuxuuna kubbada taabtay 102 jeer isaga oo waliba isku xidhayay khadka dhexe ee kooxdiisa isla markaana weerarka kala ciyaarayay Suarez.

Labada Goolhaye ee Jan Oblak iyo Ter Stegen ayaa noqday labada xidig ee ugu qiimaynta liita iyada oo mid kastaaba uu fursadii ugu horaysay ee goolka ah uu awoodi waayay in uu wax badbaadin ah sameeyo.

Marka laga yimaado Lionel Messi waxaa qiimaynta ugu saraysa ee kale helay Sergio Busquets, Antoine Griezmann, Ousmane Dembele iyo Diego Costa.

Haddaba Halkan Si Buuxda Ugaga Bogo Qiimayntii Ciyaartoydii Ku Lugta Lahayd Kulankii Barcelona iyo Atletico Madrid:

ATLETICO MADRID (4-4-2): Jan Oblak 5.99; Filipe Luis 6, Lucas Hernandez 6.99, Stefan Savic 6, Santiago Arias 6; Thomas Lemar 6.64, Rodrigo 6.86, Saul Niguez 6, Koke; Antoine Griezmann 7, Diego Costa 7.

Badalkii: Vitolo 6, Angel Correa 5.97

Badal Aan La Isticmaalin: Gelson Martins, Thomas Partey, Antonio Adan, Toni Moya, Nikola Kalinic,

BARCELONA (4-4-2): Marc-Andre ter Stegen 5.95; Nelson Semedo 6.73, Gerard Pique 6.78, Samuel Umtitib 6, Jordi Alba 6; Sergi Roberto 6, Sergio Busquets 7.62, Arthur 6, Arturo Vidal 6; Lionel Messi 8, Luis Suarez 6.

Badalkii: Rafinha 6 , Malcom 6, Ousmane Dembele 7.

Badal Aan La Isticmaalin: Clement Lenglet, Carles Alena, Munir El Haddadi, , Jasper Cillessen,