Qiimaynta Ciyaartoyda Man United & Wolves Ee Kulankii Red Devils Laga Soo Reebay FA Cupka Iyo Afarta Kooxood Ee Tartankan Iskugu Soo Hadhay.

Waxaa xalay la soo gaba gabeeyay wareegii siddeed dhamaadka ee tartanka FA Cupka waxaana soo baxay afar kooxood halka afar kooxood oo ay Man United ka mid tahay ay tartankan macasalaameeyeen. Kooxda Wolves ayaa Man United ka soo reebtay tartanka ay United koobkiisa ugu dhawayd.

Haddii ay Manchester United ka soo hadho UEFA Champions League marka ay Barcelona la ciyaarto, waxay taasi hubaal ka dhigi doontaa in ay koob la’aan kale ku dhamaysan doonin xili ciyaareedkan kadib markii ay xili ciyaareedkii hore Jose Mourinho kula soo dhamaysteen koob la’aan.

Kooxda Wolves waxaa guushan ku hogaamiyay Raul Jimenez (70) iyo Diogo Jota (76) oo min hal gool dhaliyay inkasta oo Marcus Rashofrod oo daqiiqadihii ugu danbeeyay gool dhaliyay haddana waxa uu ahaa gool aan waqtigii uu saamaynta yeelan lahaa ka soo daahay.

Man United ayaa kulan FA Cupka ah guuldaro kala kulantay kooxda Wolves markii ugu horaysay tan iyo January 1973 laakiin sidoo kale waxa uu ahaa kulankii ugu horeeyay ee ay guuldaro kala kulantay Wolves ee siddeed dhamaadka FA Cupka.

Solskjaer ayaa laba guuldaro kala kulmay labadii kulan ee uu Wolves ka hor yimid isaga oo tababare ah waxaana u horaysay guuldaradii August 2014 kii ay Wolves baday kooxdii uu Solskjaer hogaaminayay ee Cardiff City.

Haddaba qiimayntii ciyaartoyda ayaanu halkan idiinku haynaa iyada oo laga dareemi karo sida ay labada kooxood u kala fiicnaayeen.

XIDIGII GAROONKA: Raul Jimenez ayaa qaab ciyaareed fiiican kala soo hor muuqday Man United wuxuuna ahaa xidigii dhaliyay goolkii rabshada ku abuuray Man United ee ay xaalada ugu xumaysay Wolves laakiin guud ahaan waxa uu sameeyay bandhig fiican.

Laakiin ma jiro hal ciyaartoy oo Wolves ugu soo bilawday oo aan u qalmin in uu xidigii garoonka noqdo waxayna sameeyeen qaab ciyaareed isku dheeli tiran oo Man United dhibaatada sababta ugu noqday.

Man United waxaa qiimaynta ugu fiican helay goolhaye Sergio Romero kaas oo la’aantii ay ceeb kala soo kulmi lahayd Man United kooxda ay martida u ahayd laakiin waxaa kulankan si buuxda ugu fashilmay Martial waxaana sido kale qiimayn liidata helay Lindelof iyo Pogba.

Wolves: Ruddy (7), Coady (8), Boly (8), Jonny (8), Doherty (8), Neves (7), Dendoncker (7), Saiss (8), Moutinho (8), Jota (8), Jimenez (8)

Badalkii: Traore (N/A), Costa (N/A)

Man Utd: Romero (8), Dalot (6), Lindelof (5), Smalling (6), Shaw (6), Herrera (6), Matic (6), Pogba (5), Lingard (6), Rashford (6), Martial (4)

Badalkii: Perieria (6), Mata (N/A), McTominay (N/A)

Afarta Kooxood Ee Iskugu Soo Hadhay FA Cupka

1- Man City

2-  Wolves

3- Watford

4-Millwall/Brighton

1 Comment

  1. Dadka beenta ka daaya west ham kuma jirto horaa loo reebay crystal place ayaa reebtay Ayaan filayaa koobkan waxa isugu soo hadhay
    1:man city
    2:Watford
    3:wolves
    4:iyo koox aan weli LA ogaan tay tahay waana ciyaarta caawa Brighton vs milwall

Comments are closed.