Qiimaynta Ciyaartoyda Man United & West Brom Ee Kulankii Ay Red Devils Guuldarada Kula Kulantay Old Trafford, Xidigii Fashilmay Iyo Kuwii Isku Muujiyay.

Manchester United ayaa guuldaro xanuun badan garoonkeeda Old Trafford kagala kulantay kooxda West Brom ee kaalinta ugu hoosaysa kaga jirta miiska kala saraynta Premier league. Man United ayaa is aragtay iyada oo West Brom oo 20 dhibcood oo kaliya haysataa ay saddexda dhibcood kala baxday Old Trafford.

Guuldarada Manchester United soo gaadhay waxay guul u ahayd kooxda ay dariska yihiin ee Manchester City taas oo iyada oo aan kubbad kale isku baasan si rasmi ah loogu caleemo saaray koobka Premier league kadib guushii ay xalay ka sii gaadhay Tottenham.

Haddaba halkay wax ka qaldameen? Qiimaynta ciyaartoyda labada kooxood ayaa si cad u sheegaysa waxa keenay guuldarada Man United soo gaadhay iyada oo fashil badani uu ku yimid xidighii uu Mourinho kulankan u soo xushay iyo waliba kuwii uu kaydka uga yeedhay.

XIDIGII GAROONKA: Jay Rodriguez ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa wuxuuna waligii ku calaamadsanaan doonaa ciyaartoygii Manchester City ka caawiyay koobka Premier League halkii ay sugi lahayd in kulamo kale la ciyaaro. Waxa uu dhaliyay goolkii kooxdiisu guusha lama filaanka ah ku gaadhay isaga oo United guuldaro baday.

XIDIGIHII FASHILMAY:

Ma Jiro hal ciyaartoy oo Manchester United ah oo kulankan qiimayn sare ka helay waxaana fashilkii ugu waynaa ku dhacay Herrera, oo noqday xidiga shaxda Mourinho ku soo bilawday ee ugu qiimaynta liita laakiin Pogba, Smalling, Young, Lindelof, De Gea, Valencia ilaa Sanchez iyo Mata ayaa wada fashilmay halka Rashford oo badbaadin loo soo galiyay uu Herrera la mid noqday.

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA LABADA KOOXOOD:

Man Utd: De Gea (5), Valencia (5), Lindelof (5), Smalling (5), Young (5), Herrera (4), Pogba (5), Matic (6), Mata (5), Sanchez (5), Lukaku (6).

Badalkii: Martial (5), Lingard (5), Rashford (4).

West Brom: Foster (8), Nyom (7), Dawson (8), Hegazi (7), Gibbs (6), Phillips (6), Livermore (6), Brunt (6), McClean (7), Rodriguez (8), Rondon (6).

Badalkii: Yacob (n/a), Sturridge (n/a), Krychowiak (5).