Qiimaynta Ciyaartoyda Man United & Chelsea Ee Kulankii FA Cupka, Xidigihii Fashilmay, Kuwii Ismuujiyay Iyo Xidigii Garoonka Ugu Fiicnaa.

Manchester United ayaa iska reebtay inkaartii Stamford Bridge ka soo haysatay tan iyo wixii ka danbeeyay waqtigii Sir Alex Ferguson iyada oo United awooday in ay 2-0 ku soo garaacday Chelsea si ay ugu soo baxaan wareega siddeed dhamaadka FA Cupka.

Kadib markii ay tababarayaal badan oo ay Jose Mourinho iyo Louis Van Gaal ka mid yihiin ku soo fashilmeen in ay Stamford Bridge guul ku soo gaadhaan, Ole Gunnar Solskjaer ayaa ugu danbayn Blues guuldaro ku soo baday garoonkeeda waxayna taasi keentay in cadaadiskii markii horeba Sarri haystay uu sii laba jibaarmay.

Manchester United waxaa guusha ku hogaamiyay Pual Pogba iyo Ander Herrera oo laba gool oo madax ah ku ceebeeyay difaaca Chelsea oo markale muujiyay liidasho wayn iyo soo jeed la’aantii ay ceebta ugala soo kulmeen Man City.

Haddaba waxaanu halkan idiinku haynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Chelsea iyo Manchester United ee kulankii FA Cupka halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

XIDIGII GAROONKA: Pual Pogba ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu si buuxda ugu lug lahaa labada gool ee ay kooxdiisa Man United guusha kaga soo gaadhay Chelsea. Pogba ayaa markii hore caawin cajiib ah u sameeyay Herrera oo goolka furitaanka dhaliyay halka markii xigtay uu Pogba goolka labaad raacsaday wuxuuna ahaa mid si buuxda ugu dagaalamay guusha kooxdiisa Red Devils.

Marka laga reebo Eden Hazard, dhamaan ciyaartoyda kale ee Chelsea ayaa fashil wayn kala kulmay kulankii Manchester United waxaana ugu liitay Kovacic iyo Jorginho oo aan garanayn wixii ay garoonka ka qabteen waxayna ciyaartoyda Blues heleen qiimayn fashilkooda u qalantay.

Dhinaca kale Man United waxaa qiimayn heer sare ah helay Mata iyo Rashford marka laga yimaado Pogba oo qiimaynta ugu saraysa ku noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa.

Qiimaynta ciyaartoyda Man United iyo Chelsea:

Chelsea: Arrizabalaga (5), Azpilicueta (5), Luiz (5), Rudiger (5), Alonso (5), Kante (5), Jorginho (4), Kovacic (4), Pedro (5), Hazard (6), Higuain (5)

Badalkii: Willian (6), Barkley (5), Zappacosta (NA)

Man Utd: Romero (6), Young (7), Lindelof (7), Smalling (7), Shaw (7), Herrera (9), Matic (7), Pogba (9), Mata (8), Lukaku (6), Rashford (8)

Badalkii: Sanchez (6), Pereira (6), McTominay (NA)