Qiimaynta Ciyaartoyda Man United & Brighton -Kumaa Ahaa Xidigii Garoonka Ugu Fiicnaa?

Advertisements

Manchester United ayaa guul 3-1 ah Old Trafford kaga gaadhay kooxda Brighton waxayna guushani United ka caawisay in ay ka soo baxday goobtii hoose ee ay kaga jirtay miiska kala saraynta premier League.

Inkasta oo ay wali Manchester United shaqo wayn u baahan tahay si ay ugu tartami karto afarta kaalmood ee Champions League loogu soo baxayo, haddana in ay Brighton saddexda dhibcood ka heleen ayaa Solskjaer iyo ciyaartoyda muhiimad wayn u lahayd.

Advertisements

Man United waxaa guushan ku hogaamiyay Andreas Pereira  iyo Marcus Rashford oo min hal gool dhaliyay halka xidiga kooxda Brighton ee D. Pröpper uu gool iska dhaliyay.

Haddaba waxaanu halkan idiinku haynaa qiimayntii ciyaartoyda Manchester United iyo Brighton ee kulankii Old Trafford.

Advertisements

XIDIGII GAROONKA: Marcus Rashford ayaa loo doortay xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu kooxdiisa ka caawiyay in ay si raaxo leh u dhaaftay Brighton. Rashford ayaa dhaliyay goolkii saddexaad ee ay United ku burburisay rajadii soo laabasho ee Brighton.

Laakiin Wan-bissaka ayaa isna u qalmay in uu noqdo xidigii garoonka ugu fiicnaa halka Daniel James uu noqday xidiga saddexaad ee qiimaynta ugu saraysa kulankan ka helay.

Ma jiro hal ciyaartoy oo Man United kulankan ugu soo bilawday oo ay qiimayntiisu ka hoosayso 7 darajo waxayna muujinaysaa sida ay Brighton uga fiicnaayeen.

Qiimaynta Ciyaartoyda Man United iyo Brighton

Man Utd: De Gea (7), Wan-Bissaka (9), Lindelof (7), Maguire (7), Williams (7), McTominay (7), Fred (7), James (8), Pereira (7), Rashford (9), Martial (7).

Badalkii: Lingard (7), Greenwood (N/A), Rojo (N/A)

Brighton: Ryan (6), Montoya (6), Duffy (6), Dunk (6), Burn (5), Trossard (6), Propper (6), Stephens (5), Alzate (6), Maupay (5), Connolly (6)

Badalkii: Murray (5), March (5), Gross (5)

Advertisements