Qiimaynta Ciyaartoyda Liverpool & Watford Ee Kulankii Ay Reds Guusha Wayn Soo Gaadhay-Kumaa Ahaa Xidigii Garoonka?

Kooxda Liverpool ayaa sii joogtaysay in kulankii 13 aad oo xidhiidh ah ee Premier league ayna wax guuldaro ahi ku soo gaadhin kadib markii ay 3-0 ku soo garaacday kooxda Watford waxaana guushan Reds ku soo hogaamiyay Mohamed Salah, Trent Alexander-Arnold iyo Roberto Firmino oo min hal gool dhaliyay.

Jordan Henderson ayaa kaadhka cas loo taagay dhamaadkii kulankii Watford taas oo keenaysa in uu seegi doono kulanka adag ee Merseyside ee ay Liverpool la ciyaari doonto kooxda Everton laakiin waxaa kulankan gool layaableh dhaliyay  Trent Alexander-Arnold.

Haddaba waxaanu halkan idiinku haynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Liverpool iyo Watford iyada oo aanu halkan ku eegi doono xidigihii ugu fiicnaa iyo waliba xidigii loo doortay in uu ahaa laacibkii garoonka ugu fiicnaa.

Xidigii Garoonka: Xherdan Shaqiri ayaa sii wata in uu bandhig fiican ka sameeyo kooxdiisa Liverpool isaga oo markale ku soo bilawday shaxda Klopp wuxuuna sameeyay bandhig uu ku noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa.

Laakiin sidoo kale waxaa kulankan qiimayn fiican ka helay Alexander-Arnold, Van Dijk, Lovern iyo inta ugu badan ciyaartoyda Liverpool laakiin sidoo kale qaar badan oo ka mid ah ciyaartoyda Watford ayaa qiimayn fiican helay inkasta oo ay guuldaro la kulmeen.

Qiimaynta Ciyaartoyda Liverpool & Watford:

Watford: Foster (7), Femenia (7), Mariappa (6), Cathcart (7), Masina (7), Doucoure (7), Hughes (6), Capoue (6), Pereyra (6), Deulofeu (7), Deeney (6).

Badalkii: Success (6), Gray (4).

Liverpool: Alisson (6), Alexander-Arnold (7), Van Dijk (7), Lovren (7), Robertson (7), Wijnaldum (7), Henderson (5), Shaqiri (8), Firmino (7), Mane (7), Salah (7).

Badalkii: Milner (5), Fabinho (5), Matip (n/a).