Qiimaynta Ciyaartoyda Liverpool & Tottenham Ee Kulankii Ay Reds Guusha Dahabiga Ahayd Ku Gaadhay Anfield-Kumaa Noqday Xidigii Garoonka?

Liverpool ayaa sii adkaysatay tartanka koobka Premier League waxayna culays wayn sii saartay kooxda ay xifiltamayaan ee Manchester City. Kooxda Jurgen Klopp ayaa ka soo badbaaday imtixaankii Tottenham, waxayna guul 2-1 ah ku heleen saddex dhibcood oo suurtogal ka dhigi kara in Reds ay koobka horyaalka ku guulaysan karto.

Roberto Firmino ayaa dhaliyay goolka ay Liverpool qaybtii hore ee ciyaarta hogaanka kula soo nasatay laakiin Lucas Moura ayaa ciyaarta barbaro ka dhigay balse dhamaadkii ciyaarta ayay Liverpool heshay goolka guusha kadib markii uu Toby Alderweireld noqday xidiga musiibada ku noqday kooxdiisa Spurs isaga oo goolkan iskaga dhaliyay darbo uu Salah ku tuuray goolka Tottenham.

Liverpool waxay yeelatay 79 dhibcood kadib markii ay 32 kulan oo Premier league ah ciyaartay waxaana baaqi u ah lix kulan oo uu kulanka Chelsea ugu wayn yahay waxayna hadda laba dhibcood ka sare martay Man City oo kulankeedii baaqiga ahaa aan wali ciyaarin.

Tottenham ayaa lumin doonta kaalinta saddexaad haddii ay Arsenal guul ka gaadho kooxda Newcastle United ama ay barbaro gasho waxayna hadda Spurs halis ugu jirtaa in ay kaalmaha sare seegi karto.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Liverpool iyo Tottenham isaga oo ahaa kulan aan waxba layskula hadhin isla markaana ay labada kooxood si xoogan ugu dagaalmeen.

XIDIGII GAROONKA: Andrew Robertson ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu shaqo wayn u qabtay kooxdiisa Liverpool. Andrew Robertson ayaa sameeyay caawinta goolkii furitaanka ee uu Roberto Firmino dhaliyay wuxuuna sameeyay 88 taabasho oo kubbada ah, waxa uu bixiyay 63 baas halka uu sameeyay hal daboolis oo gool uu ku joojiyay wuxuuna abuuray hal fursad oo gool lagu dhalin karayay.

Alisson Becker ayaa noqday xidiga ugu qiimaynta hooseeya Liverpool laakiin waxaa kulankan ku fashilmay goolhaye Hugo Lloris oo helay qiimayn 3 darajo oo kaliya ah halka Sanchez, Trippier iyo Dele Alli ay dhamaantood qiimayn hoose heleen.

Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Liverpool Iyo Tottenham:

Liverpool: Alisson (5), Alexander-Arnold (7), Van Dijk (7), Matip (6), Robertson (8), Milner (6), Wijnaldum (6), Henderson (6), Mane (7), Firmino (7), Salah (6)

Badalkii: Fabinho (6), Origi (6), Lovren (NA

Tottenham: Lloris (3), Trippier (5), Vertonghen (6), Sanchez (5), Rose (7), Alderweireld (6), Sissoko (6), Eriksen (6), Alli (5), Lucas (7), Kane (7)

Badalkii: Son (6), Davies (5), Llorente (NA)