Qiimaynta Ciyaartoyda Liverpool & Chelsea, Xidigihii Fashilmay, Kuwii Ismuujiyay Iyo Laacibkii Garoonka Ugu Fiicnaa.

Liverpool ayaa Anfield ku garaacday kooxda Chelsea oo marti u ahayd waxaana kulankan go’aamiyay Sadio Mane iyo Mohamed Salah kaas oo isagu dhaliyay gool layaableh isla markaana Anfield gilgilay, waxayna Reds awooday in ay saacado kooban kadib Man City dib uga soo ceshatay hogaaminta Premier league.

Liverpool ayaa 2-0 kaga adkaatay Chelsea waxayna guushani Liverpool siisay rumaysnaan ka badan intii hore ee in ay koobka Premier league ku guulaysan karaan waxayna hadda Man City u muuqataa kooxda culayska ugu badani ku saaran yahay in ay shan kulan u hadhsan yihiin isla markaana ay la ciyaari doonto Man United iyo Tottenham.

Guuldarada Chelsea soo gaadhay waxay dhaawacday rajadii ay ka qabeen in ay afarta sare ku dhamaysan karaan waxayna Blues u soo dhacday kaalinta afraad iyada oo waliba 34 kulan ciyaartay halka Man United oo 33 kulan ciyaartay ay kaalinta shanaad ugu jirto 64 dhibcood halka Arsenal oo 32 kulan ciyaartay ay haysato fursad ay ku dhaafi karto Man United iyo Chelsea.

Eden Hazard oo ay Chelsea inta ugu badan ku xisaabtamaysay kulankan ayaa lumiyay laba fursadood oo goolal ku keeni karayay waana markii ugu horaysay ee uu Hazard laba fursadood oo cadaan ah uu hal kulan qasaariyay tan iyo December 2017 markaas oo uu rekoodhkan liita oo kale ka sameeyay kulankii Newcastle United.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Liverpool iyo Chelsea iyada oo aanu eegi doono xidigihii kulankan isku muujiyay iyo kuwii ku fashilmay ee saamayntii laga filayay yeelan waayay.

XIDIGII GAROONKA: Kabtanka kooxda Liverpool ee Jordan Henderson ayaa loo doortay xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu sameeyay qaab ciyaareed aad u fiican isla markaana uu sii watay saamayntii cajiibka ahayd ee uu Reds ku soo lahaa tan iyo maalintii uu kursiga kaydka ka soo baxay ee kulankii Southampton.

Sky Sports oo bixiya abaal marinta xidiga garoonka ugu fiican isla markaana xuquuqda baahinta kulankan lahaa ayaa Henderson gudoonsiiyay abaal marinta xidigii garoonka iyada oo xogtiisa lagu soo bandhigay barta twitterka.

Henerson ayaa caawiye ka ahaa goolkii furitaanka ee Sadio Mane dhaliyay, waxa uu sidoo kale abuuray laba fursadood oo goolal kale lagu dhalin karayay waxa uu bixyay boqolkiiba 85% baasas sax ah halka uu 64 jeer kubbada taabtay.

Goolhaye Alisson Bercker ayaa muujiyay sida uu xili ciyaareedkan uga yahay Liverpool mid xaaladii xumayd ee goolhaye ka saaray wuxuuna gaadhay kulankiisii 18 aad oo shabaq nadiif ah waana rekoodhii ugu fiicnaa ee uu goolhaye xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay Premier leauge ka gaadhay wuxuuna ka mid noqday Alisson xidiga ugu qiimaynta fiican.

Van Dijk, Robertos, Mane iyo Mahamed Salah ayaa dhamantood Hendeerson ugu soo qiimayn dhaw laakiin ma jiro hal ciyaartoy oo Liverpool ah oo aan bandhig qiimo fiican leh samayn.

Dhinaca Chelsea waxa akulankan ku fashilmay Emerson iyo Azplicueta oo difaaca ah, Wilian iyo Hudson-Odoi oo weerarka ah laakiin Barkley iyo Higuain oo ciyaarta loo soo galiyay in ay wax badlaan ayaa fashilka qayb ka sii noqday.

Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Liverpool iyo Chelsea:

Liverpool: Alisson (8), Alexander-Arnold (7), Matip (7), Van Dijk (8), Robertson (8), Henderson (9), Fabinho (7), Keita (7), Mane (8), Firmino (7), Salah (8).

Badalkii: Milner (6), Wijnaldum (6), Origi (n/a)

Chelsea: Kepa (6), Azpilicueta (5), Luiz (6), Rudiger (6), Emerson (5), Jorginho (6), Kante (6), Loftus-Cheek (6), Willian (5), Hudson-Odoi (5), Hazard (7).

Badalkii: Christensen (6), Barkley (5), Higuain (5).