Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxda Liverpool Ee Kulankii Lyon Iyo Xidigihii Ismuujiyay.

Kooxda Liverpool ayaa ka baxday afartii kulan ee ay bilaa guusha soo ahayd waxayna 3-1 ku garaacday kooxda Lyon si ay qaab fiican ugu diyaar garoobaan kulanka finalka Community Shield ee axada Wembley Stadium ku dhex mari doona kooxda Guardiola ee Manchester City.

Wax badan oo ka mid ah kulankii Lyon ayuu Jurgen Klopp jeclaystay inkasta oo uu badalay ciyaartoy kasta oo uu shaxdiisa ku soo bilaabay.

Mohamed Salah, Roberto Firmino iyo Alisson ayaa markii ugu horaysay xagaagan ka soo muuqday shaxda Jurgen Klopp iyada oo Shaqiri iyo Naby Keita oo dhaawac ka soo laabtay ay fursadii ugu horaysay heleen.

Xidigihii Sida Gaarka Ah Isku Muujiyay:

Jamaahiirta Liverpool ayaa jeclaystay xidigo badan oo kooxdooda ah oo soo laabtay laakiin dhamaantood may ahayn habeenkii ugu fiicnaa inkasta oo ay bilaabasho fiican u ahayd.

Laakiin Adam Lallana, Naby Keita, Mohamed Salah, Harry Wilson iyo Roberto Firmino ayay dhamaantood u ahayd habeen fiican marka loo eego shaqadii ay ka qabteen kulankii Lyon iyada oo waliba Firmino, Salah iyo Keita uu ahaa kulankoodii ugu horeeyay ee xagaagan ay Reds u safteen.

Waxa kale oo kulankan isku muujiyay da’yarka mustaqbalka wayn kubbada cagta ku leh ee Ki-Jana Joever kaas oo ka mid ah ciyaartoyda qiimaynta ugu fiican ka helay kulankan.

Liverpool XI: Alisson Becker 6, Ki-Jana Hoever 8, Joe Gomez 7, Dejan Lovren 6, Yasser Larouci 6, Adam Lallana 8, Xherdan Shaqiri 7, Naby Keita 8, Mohamed Salah 8, Roberto Firmino 8, Harry Wilson 8.

Badalkii Badnaa Ee Uu Klopp Sameeyay Iyo Qiimayntooda:

Simon Mignolet 6, Joel Matip  6, Andy Robertson  6, Virgil van Dijk  6, Trent Alexander-Arnold 6, Jordan Henderson 7, Fabinho  7, Gini Wijnaldum 6, Alex Oxlade-Chamberlain  7, Divock Origi  6, Harvey Elliott 7,James Milner  6, Rhian Brewster 6, Sepp van den Berg 6, Adam Lewis  6, Bobby Duncan 6

Laakiin Jurgen Klopp ayay wali xaaladu ku adag tahay si uu u soo xulan karo shaxdiisa ugu fiican kulanka Manchester City iyada oo Firmino iyo Salah ay muujiyeen in ay fursad u heli karaan in ay ugu yaraan qayb ka ahaadaan kulanka Community Sheild ee Man City.