Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Man United & PSG, Xidigihii Fashilmay, Kuwii Sida Layaableh Isku Muujiyay Iyo Xidigii Garoonka Ugu Fiicnaa.

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa 2-0 guul ah Old Trafford uga soo gaadhay Manchester United kulankii lugtii hore ee wareega 16ka kooxood ee Champions League waxayna Red Devils ku dhex jirtaa xaalad aad u adag si ay uga soo kabsato guuldaradan marka ay Paris ku booqan doonto PSG kulanka lugta labaad ee Champions league.

Dhibta ugu wayn ee ay Manchester United la kulantay ayaa ah in garoonkeeda laba gool looga dhaliyay, isla markaana uu Pual Pogba kaadhka cas qaatay dhamaadkii kulankakii Paris Saint-Germain taas oo la micno ah in uu seegi doono kulanka PSG martida loo noqon doono.

Presnel Kimpembe oo loo arkayay in uu ahaa xidiga ugu liitay kooxda PSG ayaa kooxdiisa u dhaliyay goolkii furitaanka ee jaho wareerka ku abuuray Manchester United balse daqiiqado waali ahaa waxaa goolka labaad raaciyay da’yarka dahabig aah ee Kylian Mbappe.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Manchester United iyo PSG ee kulankii Old Trafford halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

XIDIGII GAROONKA: Way adag tahay in la magacaabo xidigii garoonka ugu fiicnaa sababtoo ah waxaa jiray dhawr ciyaartoy oo kooxda PSG ah oo mid kastaaba u qalmay in uu noqdo xidigii garoonka ugu fiicnaa. Waxaa lagu qaybsamay Xidigii garoonka ugu fiicnaa iyada oo qaar ka mid ah warbaahintu ay xidigii garoonka u xusheen Thiago Silva iyo Angel Di Maria.

Sidoo kale Mbappe iyo Marquinhos ayaa u qalmay isla xidigii garoonka ugu fiicnaa balse marka la eego aas aas ahaan Thiago Silva ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa inkasta oo Marco Verratti oo dhaawac ka soo laabtay uu isna qariyay khadka dhexe ee Man United.

Laakiin waxaa kulankan si aan la rumaysan karin ugu fashilmay Alexis Sanchez oo buuxiyay booskii uu Jesse Lingard ka dhaawacmay, Ashley Young oo faraha ka qaaday Angel Di Maria kaas oo labada gool ee PSG ku caawiyay garoonkii uu ku soo fashilmay wuxuuna Young ka mid noqday ciyaartoyda kulankan ku fashilmay.

Anthony Martial, Eric Baily, Lindelof iyo Pual Pogba ayaa dhamantood kulankan ku fashilmay iyaga oo sababaha guuldarada United qayb wayn ku lahaa.

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA MAN UNITED IYO PSG:

Man Utd: De Gea (7), Young (4), Bailly (5), Lindelof (5), Shaw (6), Pogba (5), Matic (6), Herrera (6), Lingard (6), Rashford (6), Martial (4)

Badalkii: Alexis (4), Mata (6), Lukaku (N/A)

PSG: Buffon (7), Kehrer (7), Thiago Silva (8), Kimpembe (7), Bernat (7), Marquinhos (8), Marco Veratti (7), Alves (7), Draxler (7), Di Maria (8), Mbappe (8)

Badalkii: Maksimovic (7), Dagba (N/A)