Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Man City & FC Basel Ee Kulankii Ay City Fariinta Cusub Dirtay-Kumaa Ahaa Xidigii Garoonka?

Manchester City ayaa shaqadii ugu badnayd sii qabsatay kulankii lugtii hore ee UEFA Champions League wareegiisa 16ka kooxood kadib markii ay 4-0 ku soo xaaqday kooxda ree Switzeraland ee FC Basel. Kooxda Guardiola ayaa muujisay sida ay xili ciyaareedkan halis wayn ugu tahay koox kasta oo ay kaga hor timid afarta tartan ee ay qaybta ka tahay.

Manchester City oo dhawaan finalka League Cupka la ciyaari doonta Arsenal ayaa haddaba umuuqata kooxdii ugu horaysay ee u soo baxaysa siddeed dhamaadka UEFA Champions League iyada oo sidoo kale la sii baxsanaysa koobka Premier league iyada oo Guardiola oo waqtigiisii ugu fiicnaa kaga raaxaysanayo Etihad Stadium.

Laakiin tii ay ku dhigtay FC Basel waxay ahayd fariin cusub oo ku socotay dhamaan kooxaha koobka kooxaha Yurub u tartamaya. Haddaba waxaanu halkan idiinku haynaa qiimaynta ciyaartoyda labada kooxood ee kulankan.

XIDIGII GAROONKA: Ilkay Gundogan ayaa noqday xidigii garoonka kadib markii uu laba gool ka dhaliyay kulankii Basel isaga oo waliba saddexley ka dhalin karayay haddii aanu goolhayaha Basel ee Tomas Vaclik ka beeniyay fursado uu goolal kale ku dhalin lahaa.

Haddii bilawgii ciyaarta ay indhuhu hayeen Aguero oo afar gool ka soo dhaliyay Liescester City, xidiga ree Germany ayaa muujiyay sababtii uu Guardiola u keensatay Etihad Stadium kadib dhaawacyo uu marar badan la soo dhibtoonayay.

Sergio Aguero, Kevin De Bruyne iyo Bernardo Silva ayaa noqday xidigaha kale ee kulankan sida buuxda iskugu muujiyay inkasta oo aanu jirin hal ciyaartoy oo Man City ah oo kulankan bandhig liita sameeyay balse taas badalkeeda dhamaaan ciyaartoyda Basel ayaa kulankan ku fashilmay.

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA LABADA KOOXOOD:

Basel: Vaclik (4), Lacroix (5), Xhaka (5), Suchy (5), Lang (5), Frei (5), Serey Die (5), Riveros (4), Elyounoussi (5), Stocker (5), Oberlin (6).

Badalkii: Ajeti (5), Bua (5).

Man City: Ederson (7), Walker (7), Kompany (7), Otamendi (7), Delph (7), Fernandinho (7), Gundogan (9), De Bruyne (8), Sterling (7), Bernardo (8), Aguero (8).

Badalkii: Danilo (n/a), Sane (6), Silva (6).