Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Liverpool & Crystal Palace Ee Kulankii Ay Reds Guusha Soo Gaaadhay-Kumaa Ahaa Xidigii Garoonka?

Liverpool ayaa ka soo kabsatay gool ay kooxda Crystal Palace kaga hormartay kaas oo rekoodhe ahaa isla markaana uu kabtanka Palace Luka Milivojevic uu gool u sarifay daqiiqadii 13 aad ee kulankii Selhurst Park laakiin Sadio Mane oo aaminsanaa in rekoodhe iyo gool cadaan ah laga diiday ayaa ugu danbayn kooxdiisa dib ugu soo celiyay isaga oo dhaliyay goolka barbaraha ee muhiimada wayn u lahaa Reds.

Laakiin waqtiga ayaa u muuqday in Liverpool ay luminayso laba dhibcood waxaana la soo gaadhay daqiiqadii 84 aad ee dhamaadkii ciyaarta waxaana saamayntiisa layaabka leh la soo baxay Mohamed Salah oo taariikh cusub dhigay kaas oo dhaliyay goolka kooxdiisa saddexda dhibcood u gooyay.

Mohamed Salah ayaa barbareeyay rekoodh ay hore Premier league uga dhigeen Van Persie iyo Cristiano Ronaldo isaga oo 21 kulan oo Premier league ah goolal dhaliyay laakiin hal gool oo kaliiya ayaa u haya in uu kali ku noqdo rekoodhkan cajiibka ah.

Mohamed Salah ayaa sidoo kale barbareeyay rekoodhka gool dhalinta abid ee ciyaartoyda qaarada Afrika ka soo jeeda ee hal xili ciyaareedkan isaga oo 29 gool la wadaaga Drogba oo rekoodkan hore uga dhigay Chelsea laakiin markale hal gool oo kaliya ayaa Abu Salah u haya in uu rekoodh khaas ah samaysto.

Jurgen Klopp ayay u ahayd maalin farxadeed isaga oo kulankiisii 100 aad ee premier League ugu dabaal degay guusha iyo saddexda dhibcood ee kooxdiisa sare ugu qaaday in ay xaqiijisan karto booskeeda Champions League ee xili ciyaareedka soo socda iyada oo waliba fursad wayn ka heli kara kulanka Chelsea iyo Tottenham.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood ee kulankan iyada oo ay jiraan ciyaartoy kulankan si wayn iskugu muujiyay.

Xidigii garoonka: James Milner ayaa noqday xidigii garoonka iyada oo kabtan ku xigeenka Reds uu shaqo wayn u qabtay kooxdiisa wuxuuna ka qiimayn sareeyaa xidigaha goolasha dhaliyay ee Mane iyo Salah isaga oo waxtarka guud ee kulankan kaga sare maray.

QIIMAYNTA CIYARTOYDA LABADA KOOXOOD:

Crystal Palace: Hennessey (6), Van Aanholt (7), Sakho (6), Kelly (6), Wan-Bissaka (6), McArthur (6), Milivojevic (8), Cabaye (7), Townsend (6), Zaha (7), Benteke (5).

Badalkii: Loftus-Cheek (6), Fosu-Mensah (6).

Liverpool: Karius (6), Robertson (7), Van Dijk (7), Matip (7), Alexander-Arnold (6), Wijnaldum (6), Milner (8), Henderson (7), Mane (6), Firmino (6), Salah (7).

Badalkii: Lallana (5), Oxlade-Chamberlain (6), Lovren (6).