Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Chelsea & AS Roma Ee Kulankii Ay Blues Ceebta la Soo Kulantay, Xidigii Fashilmay Iyo Kuwii Kulankan Isku Muujiyay.

Kooxda Antonio Conte ee Chelsea ayay u ahayd habeen madow oo ay tahay in ay gabi ahaanba iska ilowdo kadib markii ay guuldaro 3-0 ah kala soo laabtay kooxda caasimada Talyaaniga ka dhisan ee AS Roma. Roma ayaa u baahtay kaliya 39 ilbidhiqsi si ay goolkeeda furitaanka u hesho taas oo noqotay mid ayna marnaba ka soo kabsan karin kooxda Blues iyada oo Stephan El Shaarawy uu laba gool dhaliyay.

La guuldaraystaa ceeb ma aha balse qaabka ay guuldaradu kuu soo gaadho ayaa ah mid saamayn xun ku yeelan karta kooxda waana sababta uu Antonio Conte kooxdiisa cadhada wayn ugu qabay. Chelsea ayaan muujin inay tahay kooxda difaacanaysa koobka horyaalka Premier Leaque.

Inkasta oo ay Blues qaybtii hore ee kulankan dadaal badan samaysay haddana qaybtii danbe ee ciyaarta ee laga filayay in ay ka falcelin doonto labadii gool ee ay Roma hogaanka ku haysay waqtigii nasashada ayaan noqon mid ay Chelsea samaysay wixii Conte iyo jamaahiirta kooxdiisu ka filayeen.

Haddaba waxaanu halkan idiinku haynaa qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood taas oo si cad loogu ogaado xidigaha kulan isku muujiya, kuwa ku fashilma iyo waliba xidiga garoonka ugu fiican. Sida la fahmi karo ciyaartoyda kooxda Roma ayaa ah kuwa kulankan isku muujiyay balse waa la kala sareeyaa halka Blues ay ciyaartoyeedu yihiin kuwa ay dhibaatadu haleeshay.

XIDIGII GAROONKA: Stephan El Shaarawy ayaa laba gool indhaha ku xaday qaybtii hore ee kulankan wuxuuna ahaa xidiga musiibada ku noqday kooxda martida ahayd ee Chelsea kaas oo Blues dhigay goob ayna ka soo kabsan karin. Stephan El Shaarawy ayaa noqday xidiga qiimaynta ugu saraysa kulankan ka helay.

XIDIGIHII FASHILMAY: Guud ahaan ciyaartoyda Chelsea min 11 kii shaxda Conte ku soo bilawday ilaa saddexdii badal ee uu sameeyay ayaa wada fashilmay mana jiro hal ciyaartoy oo Blues ah oo helay qiimayn ka badan 5 darajo. Laakiin waa la sii kala liitaa waxana ceebtii ugu waynayd kulankan la kulmay Antonio Rudiger, Gary Cahill, David Luiz, Bakayoko, Fabregas iyo waliba Alvaro Morata waxayna dhamaantood heleen qiimayn in 4 darajo oo kaliya ah.

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA AS ROMA:

Roma: Alisson (6), Juan (6), Kolarov (7), Fazio (6), Florenzi (6), Nainggolan (7), Strootman (7), De Rossi (7), Perotti (7), Dzeko (6), El Shaarawy (8)

Badalkii: Manolas (5), Pellegrini (5), Gerson (5)

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA CHELSEA:

Chelsea: Courtois (5), Rudiger (4), Luiz (4), Cahill (4), Azpilicueta (5), Bakayoko (4), Fabregas (4), Alonso (5), Pedro (5), Morata (4), Hazard (5)

Badalkii: Willian (5), Drinkwater (5), Batshuayi (5)

Comments

comments