Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Barcelona Iyo Olympiakos Ee Kulankii Camp Nou, Xidigihii Kulankan Isku Muujiyay & Kuwii Ku Fashilmay-Kumaase Ahaa Xidigii Garoonka?

Barcelona ayaa Camp Nou guul kaga gaadhay kooxda Olympiakos kulankii saddexaad ee heerka Groupyada Champions Leaque waxayna Balaugrana ka mid tahay shan kooxood oo xili ciyaareedkan awooday in ay soo wada guulaystaan saddexdii kulan ee Champions Leaque ugu horeeyay. Barcelona ayaa guul 3-1 ah gaadhay iyada oo qaybtii danbe oo dhan ku ciyaaraysay toban ciyaartoy kadib markii Gerard Pique kaadhka cas la siiyay dhamaadkii qaybtii hore.

Lionel Messi ayay habeen kale oo fiican u ahayd isaga oo dhaliyay goolkiisii 100 aad ee tartamada yurub isla markaana caawiye ka noqday goolkii saddexaad ee ay Barcelona ciyaarta ku dishay ee uu Lucas Digne dhaliyay. Goolka uu Messi dhaliyay ayaa sidoo kale ahaa goolkiisii 50 aad ee sanadkan 2017 wuxuuna Messi ka dhigay in sanadkii afraad oo xidhiidh ah uu kooxdiisa iyo qarankiisa u dhaliyo goolal gaadhaya ama ka badan 50 gool.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Barcelona iyo Olympiakos ee kulankii ay Barcelona guusha ku gaadhay Camp Nou.

XIDIGII GAROONKA: Andres Iniesta ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii kabtanka Balaugrana uu sameeyay bandhig fiican isla markanaa uu kooxdiisa siiyay wixii ay sanadaha badan uga soo barteen. Andres Iniesta ayaa Lionel Messi ku garaacay xidigii garoona ugu fiicnaa iyada oo waliba Iniesta dib u helay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa.

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA BARCELONA:

Marka laga yimaado xidiga garoonka ugu fiicnaa ee Andres Iniesta waxaa sidoo kale qiimayn fiican kulankan ka helay Lionel Messi si la mid ah guud ahaan ciyaartoyda Barcelona marka laga reebo Gerard Pique oo helay qiimaynta kulankan ugu liidatay labada kooxood.

Pique ayaa qalad wayn ku lahaa in kaadhka cas la siiyay isaga oo gacantiisa u adeegsaday in uu gool ku dhaliyo xili uu kaadhka digniinta ah haystay wuxuuna qiimaynta ka helay 5 darajo oo kaliya.

Barcelona: Ter Stegen (6), Sergi Roberto (7), Piqué (5), Umtiti (7), Digne (7), Busquets (7), Paulinho (7), Iniesta (8), Deulofeu (6), Luis Suárez (7), Messi (8)

Badalkii: Mascherano (7), Rakitic (6), Gomes (6)

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA OLYMPIAKOS:

Goolhayaha Olympiakos ee Proto ayaa Barcelona ka beeniyay fursado ay goolal badan kulankan uga dhalin kareen wuxuuna ka mid ahaa xidigihii ugu bandhiga fiicnaa laakiin sida ay guuldaradu u soo gaadhay Olympiakos iyo bandhigii ciyaartoydooda ayaan ahayn kuwo isku dhigma balse qaladaad dilaa ah oo ay sameeyeen ayaa keenay in Barcelona ay si fiican uga faa’iidaysatay.

Olympiakos: Proto (7), Koutris (7), Botía (6), Nikolaou (6), Elabdellaoui (7), Androutsos (6), Romao (7), Carcela (6), Gillet (6), Odjidja (7), Zdjelar (6)

Badalkii: Djurdjevic (6), Pardo(6), Fortounis (6)

Comments

comments