Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Arsenal & Bouremouth Ee Kulankii Ay Gunners Guusha Soo Gaadhay Iyo Xidigii Garoonka Ugu Fiicnaa Oo Laysku Khilaafay.

Kooxda Arsenal ayaa awooday in ay guul muhiim ah ka soo gaadhay kooxda Bournemouth oo ay marti u ahayd waxayna Gunners guushan ku soo gaadhay 2-1 iyada oo qaybtii hore dhamaadkeedii ay Bournemouth ciyaarta ugu soo laabtay goolkii barbaraha kaas oo kansalay gool iska dhalis ahaa oo ay Arsenal hogaanka ku haysay.

Arsenal ayaa goolka furitaanka ku heshay darbo si layaableh oo lama filaan ah uu iskaga dhaliyay xidiga kooxda Bournemouth ee Jefferson Lerma balse  Josh King ayaa darbo uu lugta bidix ku darbeeyay daqiiqadii 46 aad ee dhamaadkii qaybtii hore ciyaarta barbaro ka dhigay.

Kooxda Unai Emery ee Arsenal ayaa guushan iyo saddexda dhibcood ku soo heshay gool uu dhaliyay  Aubameyang  kaas oo goolkan ku dhaliyay shaqo fiican iyo qaab wacan oo ay si fiican iskugu xidhmeen Alex Iwobi iyo Sead Kolasinac.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Arsenal iyo Bournemouth iyo waliba xidigii garoonka ugu fiicnaa kulankan.

XIDIGII GAROONKA: Arsenal ayaa barteeda twitterka soo dhigtay Torreira oo sare u haya abaal marinta xidiga garoonka ee Premier league laakiin waxaa jira qaar kale oo ka mid ah warbaahinta England oo xidigii garoonka u doortay Sead Kolasinac.

Tusaale ahaan Sky Sports oo haysta xuquuqda baahinta tooska ah ee Premier League ayaa xidigii garoonka u doortay Kolasinac laakiin waxaa xaqiiq ah in labada xidigba ay sameeyeen qaab ciyaareed fiican inkasta oo Torreira uu gudoomay abaal marintii xidigii garoonka ee Premier league.

Xidigii goolka iska dhaliyay ee Lerma ayaa noqday ciyaartoyga guud ahaan ugu qiimaynta hooseeya kulankan balse Brooks, Cooks, King iyo Wilson oo dhamaantood ka tirsan Bournemouth ayaa qiimayn saraysa helay inkasta oo ay kooxdooda guuldaraysatay.

Auba, Mkhi, Soktatis, Iwobi iyo Xhaka ayaa dhinaca Gunners qiimayn sare haysta marka laga yimaado xidigaha kale ee aan hore uga soo hadalnay.

Qiimaynta Ciyaartoyda Arsenal iyo Bournemouth.

Bournemouth: Begovic (6), Francis (6), S Cook (7), Ake (6), Daniels (6), Brooks (7), Gosling (6), Lerma (5), Fraser (6), Wilson (7), King (7).

Badalkii: L Cook (6), Stanislas (6), Mousset (n/a)

Arsenal: Leno (7), Mustafi (6), Sokratis (7), Holding (6), Bellerin (6), Torreira (8), Xhaka (7), Kolasinac (8), Mkhitaryan (6), Iwobi (7), Aubameyang (7).

Badalkii: Guendouzi (6), Ramsey (n/a), Nketiah (n/a)