Qiimaynta Ciyaartoyda Chelsea & Tottenham, Ciyaartoydii Kulankan Ku Fashilmay, Kuwii Isku Muujiyay Iyo Xidigii Garoonka Ugu Fiicnaa.

Kooxda Tottenham ayaa guuldaradii ugu horaysay baday Chelsea iyada oo waliba 3-1 ku muquunisay kooxda Sarri ee guuldaro la’aanta kaga soo jirtay shanta horyaal ee Yurub oo dhan waxaana guushan ku hogaamiyay Delle Alli, Harry Kane iyo Son oo min hal gool dhaliyay.

Waxa uu ahaa kulan si buuxda loo kala awood badnaa isla markaana ay Tottenham soo bandhigtay ciyaar wayn si ay Chelsea kaalinta afraad ugu riixdo isla markaana ay Spurs ugu soo fadhiisato kaalinta saddexaad ee Premier league.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Chelsea iyo Tottenham iyada oo aanu eegi doono xidigihii sida xun ugu fashilmay kulankan, ciyaartoydii sida laayabka leh iskugu muujiyay iyo waliba xidigii garoonka oo dhan ugu fiicnaa.

Xidigii Garoonka Ugu Fiicnaa: Wax sahlan ma aha in kulankan loo doorto xidigii ugu fiicnaa laakiin  Christian Eriksen ayaa noqday laacibkii garoonka kadib markii uu udub dhexaad u noqtay guushii ay kooxdiisa Spurs ka gaadhay Blues.

 Christian Eriksen ayaa sameeyay laba gool caawineed wuxuuna ahaa halbowlaha khadka dhexe ee Tottenham isaga oo waliba qariyay ciyaartoydii khadka dhexe ee Chelsea laakiin waxaa kulankan sidoo kale isku muujiyay Dele Alli, Son iyo Harry Kane si la mid ah Davies kuwaas oo qiimayn aad u saraysa helay.

Xidigihii Kulankan Sida Xun Ugu Fashilmay:

Waxaa kulankan qiimayn ceeb ah ka helay Kovavic, Jorginho, David Luiz oo ugu liita iyo waliba Morata si la mid ah Rudiguer iyo Azplicueta.

Goolhaye Kepa, Barkley iyo Giroud oo kaliya ayaa Chelsea ka helay qiimayn gaadhaysa 7 darajo halka dhamaan ciyaartoyda kale ay ka hooseeyaan waxayna u badan yihiin 4 iyo 5 darajo.

Halkan si buuxda ugaga Bogo Qiimaynta Ciyaartoyda Tottenham iyo Chelsea.

Tottenham: Lloris (7), Aurier (6), Alderweireld (7), Foyth (6), Davies (8), Sissoko (7), Dier (7), Eriksen (9), Alli (8), Son (8), Kane (8).

Badalkii: Lamela (6), Winks (n/a).

Chelsea: Kepa (7), Azpilicueta (5), Rudiger (4), Luiz (3), Alonso (5), Jorginho (4), Kante (5), Kovacic (4), Willian (6), Morata (5), Hazard (6).

Badalkii: Pedro (6), Barkley (7), Giroud (7).