QIIMAYN: Xidigihii Isku Muujiyay, Kuwii Fashilmay Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Man United & Man City Ee Kulamadii Champions League.

Kooxaha Manchester United iyo Manchester City ayaa xalay u soo wada baxay wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions League. Manchester United ayaa daqiiqadii ugu danbaysay ee kulankii Old Trafford waxay guul ka gaadhay Young Boys.

Manchester City ayaa barbaro 2-2 ah kala soo laabtay kooxda Lyon laakiin waxay u baahnayd kaliya in ayna guuldaraysan waxayna sidaa ugu soo gudubtay wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions league.

Manchester City ayaa laba jeer u baahatay in ay ka soo kabsatay guuldaro ka soo gaadhi lahayd Lyon iyada oo Cornet uu laba gool ka dhaliyay City laakiin Laporte iyo Sergio Aguero ayaa guul daro ka badbaadiyay kooxda Guardiola.

Haddaba waxaanu halkan idiinku haynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Manchester United iyo Young Boys ee kulankii Old Trafford si la mid ah qiimaynta ciyaartoyda Man City iyo Lyon halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

Qiimaynta Ciyaartoyda Man City vs Lyon:

Mid ka mid ah kulamadii ugu xiisaha badnaa ee Champions League ee xalay la ciyaaray ayaa lagu tilmaami karaa kulankii dhex maray kooxaha Manchester City iyo Lyon wuxuuna ahaa kulan afar gool layska dhaliyay balse lagu kala bixi kari waayay.

Guardiola ayaa u qiray Lyon in ay ka mid tahay kooxaha ugu fiican kadib markii ay hore guuldaro ugu badeen Etihad Stadium isla markaana ay xalay kooxdiisu dirqi kaga soo badbaaday.

XIDIGII GAROONKA: Xidiga kooxda Lyon ee Tanguy Nbombele ayaa noqday xidigii ugu bandhiga fiicnaa ee kulankii Man City iyo Lyon wuxuuna ka mid ahaa awoodii kooxda reer France riixaysay inkasta oo Cornet isaga laftiisu uu u qalmay in uu noqdo xidiga garoonka maadaama oo uu laba gool dhaliyay.

Inta ugu badan ciyaartoyda labada kooxood ayaa sida natiijada laga fahmi karo waxay ahaayeen kuwo bandhig fiican sameeyay laakiin ciyaartoyda Lyon ayaa ugu badan kuwa qiimaynta ugu saraysa ee ugu badan haysta halkan hoose qiimaynta kaga bogo.

Lyon: Lopes (7), Rafael (6), Denayer (6), Marcelo (7), Marcal (6), Mendy (7), Ndombele (7), Aouar (6), Fekir (6), Depay (7), Cornet (7)

Badalkii: Tete (6), Traore (NA), Terrier (NA)

Man City: Ederson (6), Walker (6), Stones (6), Laporte (7), Zinchenko (6), Fernandinho (6), D Silva (6), Mahrez (6), Sane (6), Sterling (6), Aguero (7)

Badalkii: Delph (5), Foden (NA)

Bogga 2 aad ka akhriso qiimaynta Man United iyo Young Boys