QIIMAYN: Xidigihii Fashilmay,Kuwii Sida Layaabka Leh Isku Muujiyay Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Man United & Chelsea Ee Kulankii Old Trafford.

Manchester United ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ugu bilaabtay xili ciyaareedka cusub ee Premier league kadib markii ay 4-0 ku xasuuqday kooxda Chelsea ee kulankii furitaanka labadan kooxood u ahaa ee Old Trafford ka dhacday.

Marcus Rashford ayaa laba gool kulankan ka dhaliyay halka Anthony Martial uu hal mar shabaqa soo taabtay laakiin waxay riyo u ahayd saxiixa cusub ee Daniel James kaas oo kulankiisii ugu horeeyay ee Old Trafford daqiiqado kaliya uga baahday si uu u furto gool dhalintiisa United.

Inkasta oo ay Chelsea lafteedu qaab ciyaareed fiican soo bandhigtay waxaa bahdilaada u keenay qaab difaacashadii carruurnimada lahayd ee ay sameeyeen taas oo sabab ugu noqotay in madax xanuun wayn uu Lampardkala soo laabtay Old Trafford.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Manchester United iyo Chelsea ee kulankii Old Trafford anaga oo si gaar ah u eegi doona xidigihii inta ugu badan kulankan isku muujiyay iyo waliba kuwii ceebta kala huleelay garoonka.

SIDOO KALE AKHRISO:  LAYAAB! Real Madrid Oo 818 Maalmood Kadib Awooday In Ay Barcelona Kaga Sare Martay Miiska Kala Saraynta La Liga-Goormaa Ugu Danbaysay?

XIDIGII GAROONKA: Harry Maguire ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa ee la gudoonsiiyay abaal marintii xidigii Old Trafford ugu fiicnaa wuxuuna kulankiisii ugu horeeyay ee Man United uu haddaba ku muujiyay sababta lacagta rekoodhka aduunka ahayd looga soo bixiyay.

Harry Maguire ayaa sameeyay 7 jeer oo uu kubbada ka saaray xerada ganaaxa kooxdiisa Manchester United waana tiradii ugu badnayd ee uu xidig kulankan ka sameeyay.

Maguire waxa uu afar jeer awooday in uu kubbada dhexda ka qabtay, waxa uu sameeyay boqolkiiba 86% baas dhamaystirid guulaystay, iyada oo hal mar aan gambis lagu dhaafin, waxaana sidaa loogu doortay laacibkii garoonka ugu fiicnaa.

XIDIGIHII KALE EE IS MUUJIYAY:

Marcus Rashford oo laba gool dhaliyay iyo Pual Pogba oo laba gool caawin sameeyay ayaa sidoo kale u qalmay in ay noqdaan xidigaha garoonka ugu fiicnaa waxayna qaateen habeen fiican oo ay shaqo wayn kooxdooda u qabteen.

SIDOO KALE AKHRISO:  Rio Ferdinand Oo Soo Xushay Kooxda Riyadiisa Ee Shan Geesoodka Ee Xidigihii Ugu Fiicnaa Premier League.

Goolhaye David De Gea ayaa isna bandhig cajiib ah sameeyay isaga oo Chelsea u diiday in ay hal gool ku dhaliyaan fursado aad u badan oo ay heleen.

Laakiin ma jiro hal ciyaartoy oo Man United ah oo kulankan ku fashilmay ama xataa qaab ciyaareed liita sameeyay, waxayna United u ahayd habeen ay wax walba dhinacooda xigeen.

XIDIGIHII FASHILMAY 

Difaacyada Chelsea ee kala ah Cesar Azpilicueta, Andreas Christensen iyo Kurt Zouma ayaa ceebtii ugu waynayd ee Old Trafford la baxay gaar ahaan Kurt Zouma oo ahaa xidigii garoonka ugu liitay isla markaana sababta u ahaa in goolkii rekoodaha ahaa ay United ku hormartay.

Markasta oo uu Kurt Zouma isku dayo in uu kubbada iska saaro waxa uu u muuqday mid aan lugihiisa maamuli karin isaga oo si liidata kubbada u luminayay.

SIDOO KALE AKHRISO:  Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Liverpool Koobka UEFA Super Cup Ka Qaaday Chelsea - Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka?

Inkasta oo ayna Chelsea u liidan sida afarta gool looga dhaliyay, hadana waxay wax walba ku lumiyeen difaacashadii caruurnimada ahayd iyada oo Emerson uu ahaa difaaca kaliya ee ka muuqday Blues.

Qiimaynta Ciyaartoyda Man United iyo Chelsea Oo Dhamaystiran:

Manchester United XI: David De Gea 8, Aaron Wan-Bissaka 8, Vicot Lindelof 7, Harry Maguire 9, Luka Shaw 7, McTominay 7, Pual Pogba 8, Pereira 8, Jess Lingard 7, Anthony Martial 8, Marcus Rashford 8.

Badalkii:  Danile James 7, Greenwood n/a, Mata n/a.

Chelsea XI: Kepa 5,Cesar Azpilicueta 5, Zouma 4, Christensen 5, Emerson 7, Jorginho 6, Ross Barkley 7, Kovacic 7, Mount 6, Pedro 7, Abraham 6.

Badalkii:  Christian Pulisic 6, Olivier Giroud 6, N’Golo Kante 5