QIIMAYN: Weeraryahanada Ugu Wanaagsan Kubadda Cagta Caalamka Oo Qiimayn Shan Qaybood Ah Lagu Sameeyay – Qaybtee Ayuu Soo Galay Weeraryahanka Kooxdaadu?

Weeraryahanada ayaa ah kuwa amaanta ugu badan hela inta garoonka dhexdiisa lagu jiro waxaana intaas dheer in sidoo kale ay iyagu yihiin kuwa markasta cadaadisku saaran yahay ee kooxdu wax-qabad ka sugayso.

Haatan, Barta Twitter-ka ee ShotsOnGoal Transfers ayaa samaysay qiimaynteeda u gaarka ah ee weeraryanada kubadda cagta haatan ugu wanaagsan.

Sida qof kasta sawiran karo waxa halka ugu sarreysa kuwada jira labada xiddiga ee kubadda cagta caalamka gool dhalinteeda ugu soo fiicnaa sanadihii ugu dambeeyay ee Cristiano Ronaldo.

Khaanadaha ka hooseeya Ronaldo iyo Messi ayaa ah kuwo muran dhalin kara marka la eego qiimaynta bartan, Booska labaad ayay waayeen xiddigo aad u gool dhalin wanaagsan sida Mohamed Salah, Luis Suarez iyo Neymar.

Khaanada labaad ee ay xiddigahaasi waayeen ayay kusoo baxeen da’yarka PSG ee Kylian Mbappe oo awood gool dhalineed soo muujiyay xilli ciyaareedkii hore, Sergio Aguero oo City ka tirsan iyo weeraryahanka Bayern ee Lewandowski.

Weeraryahanada waaweyn ee iska waayay gabi ahaanba xulashadan oo shan khaanadood oo kala sarreeya ka kooban ayuu kamid yahay weeraryahanka Man United ee Romelu Lukaku.

Ka Boggo Kala Sarreynta Qiimayntan Oo Qiimayntaada Gaarka Ah Samee