QIIMAYN: Wacdarihii Man United, Awoodii Real Madrid, Naxariis Daradii Man City Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxahan Ee Kulamadii Champions League.

Waxaa xalay si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay kulamadii wareega afraad ee UEFA Champions League waxaana ka soo baxay natiiyoon layaableh oo xiiso badan u abuuray jamaahiirta kubbada cagta. Man City ayaa wacdaro layaableh ku dhigtay Juventus iyada oo waliba Red Devils ka soo kabsatay guuldaro ay daqiiqado u jirtay isla markaana guul ku badalatay.

Dhinaca kale Real Madrid ayaa halkeeda ka sii wadatay awoodii ciyaareed ee ay la soo baxday tan iyo markii kooxda uu la wareegay Santiago Solari waxayna hadda u muuqataa in waxyaabaha ku xeeran Madrid ay caawinayaan in Solari uu booskiisa ka dhigi karo mid joogto ah.

Real Madrid ayaa 5-0 ku soo garaacday kooxda Victoria Plzen oo ay waliba marti u ahayd taas oo guul cidhiidhi ah hore ugaga gaadhay kulanii Bernabeu markii uu Julen Lopetegui la ciir-ciirayaya shaqada Los Blancos.

Laakiin kooxda Pep Guardiola ee Manchester City ayaa markale muujisay naxariis darada iyo gumaadka joogtada ah ee ay ku hayso kooxaha ay ka hor imanayso waxayna fariin digiin ah u sii dirtay kooxda ay dariska yihiin ee Man United oo ay kulanka xiga la ciyaarayso.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Manchester United-Juventus, Real Madrid-Victoria Plzen iyo waliba Manchester City – Shakhtar halkan hoose ayaanad kaga bogan kartaa.

Qiimaynta Ciyaartoyda Manchester City- Shakhtar Donetsk

Gabriel Jesus ayaa saddexleydiisii ugu horaysay ee Manchester City waxa uu dhulka ku jiiday kooxda  Shakhtar Donetsk oo ceeb iyo waji gabax kala baxday Etihad Stadium waxaana sidoo kale kulankan goolal ka dhaliyay David Silva, Riyad Mahrez iyo Raheem Sterling.

Man City ayaa 9 dhibcood ku qabtay hogaanka Group H waxaana ku soo xigta Lyon oo 6 dhibcood haysata halka Hoffenheim ay kaalinta saddexaad ugu jirto 3 dhibcood laakiin Shakhtar ayaa 2 dhibcood oo kaliya ka soo heshay afartii kulan ay soo ciyaartay.

Xidigii Garoonka : Gabriel Jesus ayaa noqday xidigii garoonka waxayna da’yarka reer Brazil u ahayd habeen taariikhi ah isaga oo kooxdiisa siiyay in ay soo gaba gabaysay saddex guuldaro oo xidhiidh ah oo hore Etihad Stadium ugaga soo gaadhay Champions League.

Halkan Ka Kaga Bogo Qiimaynta Ciyaartoyda Man City-Shakhtar.

Manchester City: Ederson (7), Walker (7), Stones (7), Laporte (7), Zinchenko (7), Fernandinho (7), David Silva (8), Mahrez (7), Bernardo Silva (7), Sterling (8), Jesus (8).

Badalkii: Danilo (6), Gundogan (6), Delph (6).

Shakhtar Donetsk: Pyatov (6), Matviyenko (6), Kryvtsov (7), Rakitskiy (6), Ismaily (6), Stepanenko (5), Maicon (6), Taison (7), Kovalenko (6), Bolbat (6), Moraes (6).

Badalkii: Kayode (6), Lourenco (6), Wellington Nem (6).

Bogga 2-aad iyo 3-aad Kaga Boga Qiimaynta Kulamada Juventus-Man United iyo Real Madrid-Plzen.