QIIMAYN: Waa Kuwee Tobanka Kooxood Ee Kubbada Cagta Aduunka Ugu Waa Wayni? Majalada Caanka Ah Ee France Football Oo Qiimayn Ka Soo Saartay.

Marka laga hadlayo kooxaha kubbada cagta aduunka ugu waa wayn waa dood ay adag tahay in lagu kala adkaato, iyada oo ay jiraan kooxo badan oo ay mid kastaaba isku aragto in ay tahay kooxda aduunka ugu wayn, laakiin marar badan oo qiimayno la sameeyo waxaa lagu ogaadaa kooxaha lagu tilmaami karo kuwa kubbada cagta aduunka ugu waa wayn.

Haddaba majalada caanka ah ee dalka France ka soo baxda ee France Football oo ah malada bixisa abaal marinta Ballon d’Or ayaa soo saartay qiimaynta ay ku shaacisay tobanka kooxood ee kubbada cagta aduunka ugu waa wayn iyaga oo waliba dhibco kala duwan siiyay.

Qiimaynta majalada France Football ee kooxaha kubbada cagta aduunka ugu waa wayn ayaa lagu saleeyay 58 ka kooxood ee loo arko kuwa ugu waa wayn kubbada cagta laakiin qiimayn lagu saleeyay xog badan oo kala duwan ayaa laga soo saaray 10 ka kooxood ee loo aqoonsaday kuwa waqti xaadirkan aduunka ugu waa wayn.

Markii qiimaynta France Football la samaynayay waxaa ka mid ahaa waxyaabihii la qiimeeyay koox kastaaba ciyaartoyda ay haysato, daawadayaasha Telefishanka ee koox kastaba, dadka baraha bulshada kaga xidhan, celcelis ahaan koox kasta dadka kulamadeeda ka soo xaadira, dhaqaalaha koox kastaba soo gala, kharashka ay kooxuhu bixiyaan, qiimaha ay suuqa kooxdu ka taagan tahay iyo waliba muhiimada taariikheed ee koox kastaba.

Qodobo sidan oo kale ah markii lagu qiimeeyay 58 kii kooxood ee loo arkayay in ay ka mid yihiin kuwa aduunka ugu waa wayn waxaa lagu ogaadya in Real Madrid ay tahay kooxda kubbada cagta aduunka waqti xaadirkan ugu wayn iyada oo heshay dhibcod 184 ah.

Kooxda ay Real Madrid xifiltamaan ee Barcelona ayaa iyadana loo aqoonsaday in ay waqti xaadirkan tahay kooxda labaad ee kubbada cagta aduunka ugu wayn iyada oo la siiyay dhibco 177 ah halka Manchester United ay noqotay kooxda saddexaad ee waqti xaadirkan kubbada cagta ugu wayn iyada oo heshay 151 dhibcood.

Bayern Munich ayaa noqotay kooxda afraad ee kubbada cagta ugu wayn ee qiimaynta France Football iyada oo Bavaria heshay 135 dhibcood halka Liverpool ay noqotay kooxda shanaad ee kubbada cagta aduunka waqti xaadirkan ugu wayn iyada oo 120 dhibcood qiimaynta ka heshay Reds.

Kadib markii laba kooxood oo horyaalka Spain ahi ay qiimaynta kaalinta kowaad iyo labaad ka galeen, waxaa tobanka kooxood ee aduunka ugu waa wayn shan ka mid ahi ay noqdeen kooxaha Premier league waxaana liiskan qayb ka ah Chelsea, Manchester City iyo Arsenal.

Paris Saint-Germain ayaa noqotay kooxda kaliya ee dalka France ka dhisan ee ku soo baxday majalada France Football ee tobanka kooxood ee aduunka ugu waa wayn.

Halkan kaga Bogo Tobanka Kooxood Ee Kubbada Cagta Aduunka Ugu Waa Wayn ee France Football Soo Saartay:

1-Real Madrid 184 Dhibcood

2-Barcelona 177 Dhibcood

3-Manchester United 151 Dhibcood

4-Bayern Munich 135 Dhibcood

5-Liverpool 120 Dhibcood

6-Juventus 107 Dhibcood

7-PSG 94 Dhibcood

8-Chelsea 91 Dhibcood

9-Manchester City 89 Dhibcood

10-Arsenal 88 Dhibcood