Halkuu Kabtanka Man City Ka Baxaya Ee Vincent Kompany Uu Ka Galay Qiimayn Lagau Sameeyay Tobankii Kabtan Ee Premier league Ugu Fiicnaa.

3. Tony Adams- Arsenal

Tony Adams waa kabtanka kaliya ee saddex min toban sanadood oo kala duwan saddex koob horyaal ku soo guulaystay oo ah sanadihii 80-aadkii, 90-aadkii iyo 2000 kii.

Waxa uu Tony Adams soo ciyaaray 670 kulan oo kooxda Arsenal ah wuxuuna 14 sanadood soo ahaa kabtanka kooxda Arsenal oo ka soo bilaamaysa sanadkii 1988kii ilaa 2002.

Difaacii Gunners ee Tony Adams ayaa ku soo raaxaystay waayo ciyaareed oo layaableh oo uu ku soo qaatay  Arsenal waxaana lagu sharfay in taalo looga dhisay barxada hore ee Emirates Stadium.

2. Vincent Kompany- Man City

Kabtanka baxaya ee Man City ee Vincent Kompany ayaa loo doortay kabtankii 2 aad ee kubbada cagta England ugu fiicnaa.

Saamayntii uu Kompany ku yeeshay taariikhda Man City iyo qaabkii uu hogaamiye dhab ah ugu soo noqday Sky Blues oo aan hortii taariikh badan lahayn ayaa ka dhigtay mid ka mid ah kabtanadii ugu fiicnaa Premeir League.

Kompany ayaa Man City ka cawiyay afar koob oo Premier League ah, afar koob oo EFL Cupka ah, laba koob oo FA Cup ah kadib markii uu kooxda ku soo qaatay 11 xili ciyaareed.

Taariikhda Man City ayaa gabi ahaanba ah muddadii uu Kompany kooxdeeda kabtanka u ahaa iyada oo City mudadan ku soo guulaysatay koobab la mid ah intii ay ka hor kooxdeedu ku soo guulaystay.

Kompany ayaa hadda beenayay booska kabtanimada Man City taas oo uu Guardiola ku qasbanaan doono in uu ciyaartoy kale u gacan galin doono xili ciyaareedka cusub.

1. Roy Keane- Man United

Kabtankii muranka badnaa ee Man United ee Roy Keane ayaa loo doortay kabtankii ugu saamaynta badnaa uguna fiicnaa ee kooxaha Premier league soo maray.

Roy Keane ayaa Man United soo hogaamiyay waqti muhiim ahaa wuxuuna sanadkii 1999 kii uu ka caawiyay in ay saddexda koob oo ay Premier league iyo Champions League ku jiraan ay United ku soo guulaystay.

Roy Keane ayaa Man United kabtan u soo ahaa intii u dhexaysay sanadihii 1997 kii ilaa 2005 kii, waxaana qiimayn la sameeyay loogu xushay kabtankii ugu fiicnaa Premier league.

Roy Keane ayaa qiimayn tan kaga soo baxay kaalinta kowaad iyada oo sidaas loogu arko kabtankii ugu saamaynta badnaa kubbada cagta heerka kowaad ee England.

Haddaba akhriste, miyaad qiimayn tan u aragtaa mid sidii ay ahayd u dhacday oo ay tobankan shaqsi ku yihiin tobankii kabtan ee kooxaha Premier League abid ugu fiicnaa?

1 Comment

  1. Xaqiiqdii waa arin loo qaateen ah marka loo fiiriyo shaqsi kasta iyo wax qabad kiisa

Comments are closed.