Halkuu Kabtanka Man City Ka Baxaya Ee Vincent Kompany Uu Ka Galay Qiimayn Lagau Sameeyay Tobankii Kabtan Ee Premier league Ugu Fiicnaa.

5. Steven Gerrard- Liverpool

Steven Gerard oo muddo 17 sanadood ah ka soo ciyaaray Liverpool isla markaana waqti dheer kooxda kabtan ka soo ahaa ayaa loo doortay kabtankii 5 aad ee kooxaha Premier leauge abid ugu fiicnaa.

Stegen Gerard ayaan wax koob Premier league ah kula guulaysan Liverpool laakiin waxa uu ahaa hogaamiye iyo dhiiro galiye dhab ah oo ay taariikhda kubbada cagta England xusto.

Steven Gerard ayaa Liverpool ka soo caawiyay koobkoodii Champions League ee ugu danbeeyay ee sanadkii 2005 kii waxa kale oo uu ka soo caawiyay FA Cupka oo uu sanadkii 2006 kii kula guulaystay.

Steven Gerard oo lagu xusuusto in uu ahaa dhiiro galiye khaas ah ayaa qiimayn tan kaga soo baxay kaalinta shanad iyada oo loo doortay kabtanki shanaad ee ugu fiicnaa kooxhaa Premier league.

4. John Terry- Chelsea

John Terrry ayaa kaalinta afraad ka galay kabtanadii kubbada cagta England ugu fiicnaa isaga oo waliba ah kabtankii ugu guulaha badnaa ee koobka Premier League.

Terry oo Chelsea waqti cajiib ah ku soo qaatay ayaa shan koob oo Premier league ah sare ula qaaday kooxdiisii hore ee Blues waxaana wali jacaylkii ay u hayeen Terry dareemaya jamaahiirta Chelsea.

Markii uu Terry ka baxayay Chelsea waxay jamaahiirta Chelsea garoonka soo dhigeen boodh ay ku sheegeen in uu ahaa kabtan, halyay hogaamiye ahaa.

Terry waxa kale oo uu Chelsea kula soo guulaystay shan koob oo FA Cupka ah, saddex koob oo EFL Cupka ah, hal koob oo Champions League ah iyo hal koob oo Europa League ah.

1 Comment

  1. Xaqiiqdii waa arin loo qaateen ah marka loo fiiriyo shaqsi kasta iyo wax qabad kiisa

Comments are closed.