QIIMAYN: UEFA Oo Soo Saartay Qiimaynta Bilaha Ah Ee Kooxaha Yurub, Kooxaha Ingiriiska Oo Safka Hore Laga Waayey Iyo Kulamadii Champions League Oo Saamayn Ku Yeeshay

Xidhiidhka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA ayaa soo saaray qiimaynta kooxaha qaaraddaas, kaddib kulamadii Champions League iyo Europa League ee toddobaadkan ay kooxuhu ciyaareen.

Kooxda Manchester United oo bandhig wanaagsan kusoo jirtay tan iyo markii la magacaabay tababare Solskjaer ayaa la kulantay guul-darro kulankii PSG, waxaanay taasi sabab u noqotay in laga waayo liiska tobanka kooxood ee ugu sarreeya qiimaynta UEFA.

Real Madrid ayaa mar kale kusoo baxday kaalinta koowaad ee qiimaynta, waxaana kusoo xigta Barcelona, halka Manchester City oo kooxaha Ingiriisku ugu sarraysa ay soo gashay kaalinta 7aad, halka Arsenal oo ah kooxda labaad ee Ingiriis ah ee tobanka kooxood kasoo gashay liiskan ay tahay Arsenal oo kaalinta 10aad ku jirta, taas oo inkasta oo ay guul-darro kala kulantay BATE kulankeedii Europa League ee xalay, haddana qiimayntan kaga rikoodh wanaagsanaatay Man United, Chelsea iyo Liverpool.

Naadiga AC Milan oo beryaha qaarkood ahaan jiray kooxda koowaad, ayaa liiska qiimaynta ka gashay kaalinta 76aad, waana astaan muujinaysa hoos u dhaca weyn ee kooxdaas ku habsaday sannadihii ugu dambeeyey.

Juventus oo kaalinta labaad ka gashay tartanka Champions League xili ciyaareedkii hore oo ay Real Madrid kaga guuleysatay, ayaa kaalinta shanaad ee qiimaynta soo gashay, halka Roma ay tahay kooxda labaad ee ugu qiimaynta sarraysa naadiyada Talyaaniga oo ay kaalinta 12aad soo gashay.

Real Madrid oo qiimaynta ugu sarraysa ayaa heshay 146,000 cod, waxaana taas mahaddeeda iska leh tababare Santiago Solari oo dib usoo nooleeyay, isla markaana siddeedii maalmood ee ugu dambeeyey kasoo gudbay saddex tijaabo oo adag oo kala ahaa Barcelona, Atletico Madrid iyo Ajax oo weliba lagu afreeyey Alaves, kuwaas oo saddex ka mid ah ah ay guulo kala soo laabatay, halka ay Barca barbar-dhac la galeen, Barcelona iyo Bayern Munich oo kaalinta labaad ku wada jiraana waxay haystaan min 127,000.

Atletico Madrid ayaa kaalinta afraad soo gashay, halka Juventus, PSG iyo Seville ay soo galeen kaalmaha shanaad, lixaad iyo toddobaad.

Qiimaynta tobanka kooxood ee ugu sarreeya

1) Real Madrid – 146,000
2) Barcelona – 127,000
2) Bayern – 127,000
4) Atlético – 125,000
5) Juventus – 120,000
6) Paris – 103,000
7) Seville – 101,000
7) Manchester City – 99,000
9) Port – 90,000
10) Arsenal – 86,000