QIIMAYN: Tababarayasha Abid Ugu Fiican Kubadda Cagta Caalamka Oo La Qiimeeyay, Shaqsiga Koowaad Galay & Booska Uu Helay Tababaraha Kooxdaadu.

Hore ayaanu idiinla soo wadaagnay qiimayno lagu sameeyay boosaska qaar kamida kuwa kubadda cagta sida daafacyada iyo khadadka dhexe iyadoo loo eegayo siday usoo kala fiicnaayeen abid.

Haatan waxaanu idinla wadaagi doonaa qiimayn lagu sameeyay tababarayaasha abid ugu fiican kubadda cagta, Qiimayntoodan ayaa ah mid ka kooban shan dabaqadood ama khaanadood oo kala sarreeya oo lagu kala go’aamiyay siday usoo kala fiicnaayeen.

Dabcan tababaruhu waa shaqsiga koox guusheeda ka dambeeya waxaana kulankasta inta ugu badan lagu kala guuleystaa taatikadooda marka laga yimaado kala duwanaanshaha ka dhasha tayada xiddigaha ee kala sarreysa.

Aan ku bilawnee kala sarreyntan tababarayaasha waxa figta ugu sarreysa kali ku noqday tababarihii halyeeyga u ahaa kooxda Manchester United ee Sir Alex Ferguson kaas oo aysan isha xogtan samaysay ee Managerial Mindset cidna la bar-bardhigin.

SIDOO KALE AKHRISO:  WAR CUSUB: Donny Van De Beek Oo War Cusub Kasoo Saaray Fursada Uu Real Madrid Ugu Wareegayo Inta Ka Hadhay Suuqa Qaarada Yurub - Miyuu Ka Farxiyay Jamaahiirta Los Blancos?

Booska labaad oo ah meesha ay kala sarreynaha loolanka adagi ka bilaabmayaan ayay ku midoobeen Jose Mourinho, Pep Guardiola iyo Carlo Ancelloti oo macalimiinta haatan shaqeeya kuwooda ugu guulaha badan ah.

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp oo dhawaan Reds kusoo hoggaamiyay UEFA Champions League sidoo kalena sanado dhawr ah wacdarro kusoo dhigay Borussia Dortmund ayaa khaanada saddexaad kula midaysan Zinadine Zidane, Simeone, Hayneckes & Del Bosque.

Halkan Hoose Kaga Boggo Kala Sarreyntan Tababarayasha Ugu Fiican Kunkii Sano Ee U Dambeeyay.

Adigu akhriste miyaad qiimayntan u aragtaa mid saxsan 100%, Haddii aysan kula saxsanayn tababarahee booskiisii boos ka hooseeya ama mid ka sarreeya la dhigay?

2 Comments

  1. Haa wax khalad ahi wuu ku jiraa waayo mauricio pechetinho wuxu u qalmaa in la raaciyo klopp

  2. Mauricio Pechetinho xagee la geeyay waa qalad sxbayaal qiimayntani someone miyuu ka liitaa

Comments are closed.