QIIMAYN: Ronaldo vs Raul, Zidane vs Sanchis, Casemiro vs Guti, Ramos vs Hierro – 12 Wariye Oo Qiimayn Ku Sameeyey Ciyaartoygii Ugu Wanaagsanaa Ee Real Madrid Boos Walba

Real Madrid waxay caan ku ahayd ciyaartooyo caan ah iyo inay ahaato kooxda ugu guulaha badan naadiyada Yurub marka laga eego heer qaaradeed, waxaana funanaaddeeda iska dhaxli jiray ciyaartooyo dhamaantood dunida caan ka ah oo magacooda la yaqaanay.

Wargeyska Marca ee  kasoo baxa waddanka Spain ayaa dib u milicsaday dhamaan ciyaartoyda naadiga usoo dheeshay iyagoo ka eegay boos walba.

12 wariye oo qiimayntan ku lug yeeshay ayaa waxa uu mid walba boos kasta usoo xulay laacibka ugu wanaagsanaa abid iyadoo lagu sallaynayo lambarka uu ciyaartoy kastaa xidhan jiray.

Doodda adag ee wariyeyaashani ay abuureen, ayaa waxa ka mid ah midka wanaagsanaa xiddigaha Cristiano Ronaldo, Raul ama Juanito oo dhamaantood soo xidhay funaanadda No.7, halka Sergio Ramos iyo Fernando Hierro ay wadaageen No.4, iyadoo Zidane ay wariyeyaashu garab dhigeen halyeygii Manuel Sanchis oo ay wada xidheen No.5.

Halkan kaga bogo qiimaynta wariyeyaasha iyo laacibiinta uu wariye kastaa soo xushay.

FELIPE DEL CAMPO (GOL)