QIIMAYN: Qalabka Casriga Ah Ee VAR Ee La Liga Oo Haddaba Saxay Dhacdooyin Ka Badan Intii Koobka Aduunka, Real Madrid Oo Kaalinta Lixaad Ku Jiri Lahayd Iyo Xogta Siddeedii Kulan Ee La Liga.

Markii ugu horaysay taariikhda horyaalka La Liga waxaa xili ciyaareedkan laga hirgaliyay aalada muuqaal caawiyaha garsoorka ee magaceeda loo soo gaabiyo VAR waxayna hadda xogtu xaqiijinaysaa in VAR uu saxay dhacdooyin ka badan intii lagu saxay dhamaan kulamadii koobka aduunka ee Russia 2018.

Xili ciyaareedyadii la soo dhaafay garsoorka dalka Spain ayaa eedayn badan la soo kulmay kadib markii ay sameeyeen qaladaad waa wayn oo aduunka kubbada cagta kaga qayli siiyay waxayna taasi keentay in ugu danbayn ay maamulka La liga hirgaliyeen VAR kaas oo koobkii aduunka si buuxda ugu guulaystay.

Horyaalada Talyaaniga iyo Jarmalka ayaa hore looga hirgaliyay muuqaal caawiyaha garsoorka halka horyaalka Ingiriiska xili horeba laga isticmaaliyay aalada gool sheegta ee Goal Line Technology taas oo ah saacad ay garsoorayaashu xidhan yihiin oo si sahlan u sheegtay marka ay kubbadu xariiqda dhaafto.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa qiimaynta lagu sameeyay dhacdooyinkii uu muuqaal caawiyaha garsoorka VAr uu saxay intii lagu jiray siddeedii kulan ee horyaalka La Liga ugu horeeyay.

Siddeed todobaad ayaa lagu soo jiray horyaalka La Liga waxaana muddadan la soo ciyaaray 79 kulan laakiin natiijo ahaan muuqaal caawiyaha garsoorka ayaa saamayn ku yeeshay 3 kulan oo kaliya oo ah guuldaro, guul ama barbaro.

Jamaahiirta Real Madrid ayaa hore uga cawday in VAR aanu kooxdooda wax faa’iido ah u lahayn balse waxay xaqiiqdu hadda noqotay in ay ka mid tahay kooxaha ku faa’iiday isticmaalka VAR maadaama oo ay ka mid tahay kooxa yar ee guul ku helay sababta VAR.

Kulankii Espanyol ayaa Real Madrid waxay guul ku gaadhay gool uu markii hore garsoore Mateu Lahoz diiday oo uu u arkay in aanu sharci ahayn laakiin muuqaal caawiyaha garsoorka VAR ayaa xaqiijiyay in uu gool sharciya ahaa taas oo ay Madrid soo heshay saddexda dhibcood, waxayna maanta ku jiri lahayd kaalinta lixaad haddii aanu VAR go’aanka Mateu Lahoz sixi lahayn.

Arinta layaabka leh ayaa ah in siddeedii todobaad ee ugu horaysay La Liga ee la soo ciyaaray 79 kulan in VAR la adeegsaday 25 jeer oo wax lagu saxay taas oo la micno ah in boqolkiiba 32% lagu saxay dhacdooyinkii muhiimka ahaa ee La Liga taas oo aad uga badan 16 dhacdo oo lagu saxay 64 kii kulan ee koobka aduunka oo ahayd boqolkiiba 25%.

Garsoore Mateu Lahoz ayaa noqday garsooraha qaladaadkiisa ugu badan ku saxay iyada oo soo baxday in uu yahay garsooraha qaladaadka ugu badan samayn lahaa haddii aanu go’aanadiisa dib uga eegi lahayn VAR.

Laakiin ilaa hadda muuqaal caawiyaha garsoorka VAR ee La Liga ayaa lagu eedeeyay in aan go’aano sax ah lagu gaadhin kulankii Madrid Derby iyo dhacdooyinka offsideka qaar ka mid ah iyada oo maamulka kooxda Atletico Madrid ay warqad u qoreen maamulka la Liga si sharaxaad looga siiyo sababta aan gacantii Casemiro rekoodhe looga dhigin.

Si kastaba ha ahaatee, waxyaabaha uu VAR ka saxay khaladaadkii La Liga iyo sida la filayo in uu saamayn fiican ugu yeelan karo cadaalada ayaa ah mid war fiican u ah jamaahiirta La Liga oo ka soo daalay qaladaadka garsoorka horyaalka La Liga.