QIIMAYN: Maxay Ahayd Sababtii Ay Real Madrid U Soo Gaadhay Guuldaradii Bahdilaada Ahayd Ee Eibar? Qiimaynta Ciyaartoyda labada Kooxood Ayaad Ka Fahmi Kartaa.

Kooxda Real Madrid ayaa wali ku sii dhex jirta xili ciyaareedka jaho wareerka ah waxayna guuldaradii ka soo gaadhay Eibar muujisay in wali dhibaatadii Julen Lopetegui lagu caydhiyay ayna bogsoon ee ay hoos u dhacday oo kaliya.

Ciyaartoyda Real Madrid ayaa muujiyay hami la’aan iyo horumarkii waqtiga koobnaa ee Solari oo uu shaki hadheeyay kadib markii ay Real Madrid soo bandhigtay qaab ciyaareedkii ugu xumaa kulamadii uu Solari kooxda maamulayay.

Xilli ciyaareedkan waxa ay fursad weyn u aheyd Gareth Bale, waxa ay aheyd fursad uu sugayay oo ku noqon karay xiddiga ugu weyn Real Madrid ka dib markii Cristiano Ronaldo laga iibiyay Juventus xagaagii.

Laakiin xiddiga reer Wales ayaa mar kale ahaa mid aan muuqan kulankii Eibar, waxaana weli uu ku jiraa qaab ciyaareed liita. Bale ma heysto marmarsiiyo uu cuskado waqti xaadrikaan. Real Madrid ayaa si weyn ugu baahan inuu ismuujiyo sababtoo ah waqtigaan la joogo cidna ma aragto Bale-kii runta ahaa.

Xiddiga Garoonka – Marc Cucurella (Eibar)

Tinta badan ee ku taala madaxa 20 jirkaan ayaa ka dhigeysa mid ay ishu soo qabaneyso laakiin waxaa isha ay si u sii qabaneyso qaab ciyaareedkiisa kulankii maanta.

Real Madrid waa ay awoodi weysay inay xal u hesho tamarta iyo weerarka uu Cucurella ka sameynayay garabka bidix, waxaana taasi ay soo muuqatay goolkii labaad ee Eibar iyadoo weeraryahanka Catalan uu kubada meel kor ku helay markii uu argagax geliyay Odriozola. Cucurella ayaana udub dhexaad u ahaa qaba ciyaareedka Eibar.

Cucurella waxa ay 9 dhibcood ka helay qiimeynteena kulanka maanta iyadoo dhibcaha ugu sareeya ay yihiin 10 dhibcood. Waxaa ku soo xigay saaxiibkiisa weerarka Kike iyo Esclante oo min 8 dhibcood helay.

Xiddigaha fashilmay ee Real Madrid

Real Madrid uma aysan muuqan sidii ay berri ahaan jirtay, waxaana kulanka maanta soo baxday dulduleelo badan oo ay leeyihiin. Xiddigaha sida weyn u fashilmay kulanka maanta waxaa ka mid ah Toni Kroos, Modric, Varane iyo Bale oo qiimeynteena ka helay kaliya afar dhibcood.

Qiimeynta Ciyaartoyda Kooxaha Eibar Iyo Real Madrid.

Eibar:  Riesgo 6, Pena 6, Ramis 5, Oliveira 6, Cote 7, Escalante 8, Jordan 6, Orellana 7, Cucurella 9, Enrich 8, Kike 8.

Badalkii:  Charles 6, Alvarez 5, De Blasis 5.

Real Madrid:  Courtois 7, Odriozola 5, Varane 4, Ramos 5, Marcelo 5, Ceballos 5, Kroos 4, Modric4, Bale 4, Benzema 6, Asensio 6.

Badalkii – Isco 5, Carvajal 5, Vinicius 5.