QIIMAYN: Markii Hore Jurgen Klopp, Haddana Ciyaartoydii Uu Tababare Gerard Houllier Keenay Liverpool Oo Qiimayn Lagu Sameeyay.

Waxaanu dhawaan idiin soo gudbinay qiimayn lagu sameeyay 14kii ciyaartoy ee uu Jurgen Klopp keenay Anfield muddadii uu maamulayay kooxdiisa Liverpool, waxaana hadda la sameeyay qiimayn kale oo lagu muujinayo ciyaartoydii uu Gerard Houllier kula soo saxiixday Anfield.

Gerard Houllier waxa uu ka mid yahay tababarayaashii Liverpool ee jamaahiirta kooxda meesha wayn kaga yaal kaas oo waqti muhiim ah ku soo qaatay Anfield isla markaana ay taariikhdu xusto.

Qiimaynta suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Liverpool ayaa bilaabantay markii uu halyayga Reds ee Jamie Carragher uu su’aal galiyay siyaasadii suuqa kooxdiisa Liverpool in ay ahayd sababihii ay kooxdu waqti dheer ugu soo dhibtoonaysay heerka ugu sareeya ee kubbada cagta ka hor isbadalkii ay sare ugu soo kacday.

Gerard Houllier waxa uu kooxda Liverpool soo maamulay intii u dhexaysay sanadihii 1998 ilaa 2004 kii markaas oo uu Anfield ka baxay.

Haddaba qiimaynta lagu sameeyay dhamaan ciyaartoydii uu Liverpool keenay tababare Gerard Houllier ayaa muujinaysa xidigihii Anfield ku soo guulaystay iyo kuwii khasaaraha ku noqday.

Haddaba halkan kaga bogo qiimaynta lagu sameeyay dhamaan ciyaartoydii uu Gerard Houllier keenay Liverpool qiimihii uu kula soo wareegay iyo xaalada ay Anfield kala kulmeen.

Suuqii Liverpool Ee 1998-99

1-Jean Michel Ferri – £1.5m

Fashil ayuu noqday

2-Rigobert Song – £2.6m

Fashil ayuu noqday

3-Djimi Traore – £550,000

Wuu guulaystay

Suuqii Liverpool Ee 1999-2000

1-Sami Hyypia – £2.5m

Si Wayn ayuu Liverpool ula guulaystay

2-Vladimir Smicer – £3.75m

Wuu la guulaystay Liverpool

3-Titi Camara – £2.6m

Wuu la guulaystay Liverpool

4-Stephane Henchoz – £3.5m

Wuu la guulaystay Liverpool

5-Sander Westerveld – £4m

Fashil ayuu noqday

6-Erik Meijer – bilaash ayay ku heshay

Fashil ayuu noqday

7-Dietmar Hamann – £8m

Si Wayn ayuu Liverpool ugu guulaystay

8-Emile Heskey – £11m

Si Wayn ayuu Liverpool ula guulaystay

Suuqii Liverpool Ee 2000-2001

1-Bernard Diomede – £3m

Fashil ayuu noqday

2-Gary McAllister – bilaash ayaa lagu helay

Wuu la guulaystay Liverpool

3-Pegguy Arphexad – Bilaasha ayaa lagu helay

Fashil ayuu noqday

4-Markus Babbel – bilaash ayaa lagu keenay

Wuu la guulaystay Liverpool

5-Nick Barmby – £6m

Wuu la guulaystay Liverpool

6-Christian Ziege – £5.5m

Fashil ayuu noqday

7-Gregory Vignal – £500,000

Fashil ayuu noqday

8-Igor Biscan – £5.5m

Fashil ayuu noqday

9-Jari Litmanen – bilaash ayaa lagu keenay

Wuu la guulaystay Liverpool

Suuqii Liverpool Ee 2001-2002

1-John-Arne Riise – £4m.

Si wayn ayuu Liverpool ula guulaystay

2-Milan Baros – £3.2m

Si wayn ayuu Liverpool ula guulaystay

3-Chris Kirkland – £6m

Fashil ayuu noqday

4-Jerzy Dudek – £4.9m

Si wayn ayuu Liverpool ula guulaystay

5-Nicolas Anelka – amaah

Amaah guulaysatay ayuu Liverpool ku helay

6-Abel Xavier – £750,000

Fashil ayuu noqday

Suuqii Liverpool Ee 2002-2003

1-Bruno Cheyrou – £3.7m

Fashil ayuu noqday

2-El-Hadji Diouf – £10m

Fashil ayuu noqday

3-Salif Diao – £4.7m

Fashil ayuu noqday

4-Patrice Luzi – Free

Fashil ayuu noqday

Suuqii Liverpool Ee 2003-2004

1-Anthony Le Tallec – £1.5m

Fashil ayuu noqday

2-Florent Sinama-Pongolle – £1.5m

Wuu la guulaystay

3-Steve Finnan – £3.5m

Si wayn ayuu Liverpool ula guulaystay

4-Harry Kewell – £5m

Fashil ayuu noqday

Paul Jones – amaah

Fashil ayuu noqday

Suuqii Liverpool Ee 2004-05

1-Djibril Ciise – £14m

Wuu fashilmay

Isku Gaynta Guud Ee Qiimaynta Ciyaartoydii uu Gerard Houllier  la soo saxiixday

Ciyaartoydii Guulaystay : 17

Ciyaartoyda Fashilantay: 19

Akhriso: Qiimaynta 14-kii ciyaartoy ee uu Klopp Liverpool keenay.