QIIMAYN: Ciyaartoydii Sababta U Ahayd Fashilkii Liverpool, Xidigihii Isku Muujiyay Kulankii Barcelona & Inter Milan Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Kulamadii Champions League.

Kooxda Liverpool ayaa xalay waji gabax wayn kala soo kulantay dalka Serbia waxaana qaybtii hore ee kulankan laba gool kaga yaabsatay kooxda Red Star oo ay hore Reds ugu xasuuqday 4-0 kulankii Anfield ka dhacay balse wixii ay xalay samaysay kooxda Klopp waxa uu noqday wax walal cusub ku abuuray jamaahiirta Reds ee kalsoonida badan qabay.

Liverpool ayaa xalay isku darsaday laba arimood oo aad u xun kuwaas oo ahaa qaybtii hore oo ay soo bandhigtay qaab ciyaareedkii ugu liitay muddadii uu Klopp maamulayay iyo mid labaad oo ah nasiib xumo ku habsatay qaybtii labaad ee ciyaarta.

Dhinaca kale Liverpool ayaa caawin ka heshay kooxaha Napoli iyo PSG oo iyaguna ku fashilmay in ay xambaaradii ku dhacday Liverpool ka faa’iidaystaan iyaga oo barbaro galay isla markaana Liverpool siiyay wax ay kaga samri karto guuldaradii Red Star ka soo gaadhay.

Liverpool iyo Napoli ayaa min 6 dhibcood yeeshay halka PSG ay kaalinta saddexaad ugu jirto 5 dhibcood waxaana sare u soo kacday kooxda Red Star Belgrade oo 4 dhibcood kaalinta afraad ugu jirta waxayna hadda u muuqataa in kulamada shanaad iyo lixaad noqon doonaan kulamo final oo kale ah.

Dhinaca kale Barcelona ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee xili ciyaareedkan iska xaadirisay wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions League inkasta oo ay barbaro kala kulantay Inter Milan waana sanadkii 10 aad oo xidhiidh ah ee ay Barca wareegan soo gaadhay.

Haddaba waxaanu halkan idiinku haynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Liverpool & Red Star oo dhinac ah iyo waliba qiimaynta ciyaartoyda kooxaha Barcelona iyo Inter Milan halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Liverpool iyo Red Star:

Liverpool waxay heshay fursado ay ku guulaysan kartay ciyaarta qaybteedii labaad laakiin nasiib xumadii Andrew Robertson iyo Mohamed Salah oo birta laba jeer garaacay iyo waliba fursado kale oo uu Salah lumiyay ayaa Reds sabab u noqday in ay guuldaraysato.

Xidigii Garoonka: Xidiga kooxda Red Star ee Milan Paktov ayaa noqday ciyaartoygii garoonka ugu fiicnaa wuxuuna dhaliyay labadii gool ee ay kooxdiisu guusha taariikhiga ah kaga gaadhay Liverpool wuxuuna Milan Paktov sheegay in aanu awoodi doonin in uu laba habeen ama saddex habeen uu wax hurdo ah seexan karo farxad awgeed.

Ciyaartoydii Kulankan Sida Xun Ugu Fashilmay:

Muu jirin hal ciyartoy oo Liverpool laga qaadan karayay waxaana jiray fashil guud oo ay kooxdu gashay kulankan gaar ahaan qaybtiisii hore laakiin waxaa ceebta ugu wayn la kulmay Sturridge iyo Arnold oo uu isla waqtigii naashada Klopp ciyaarta ka saaray kuwaas oo qiimaynta ugu hoosaysa helay.

Ma Jiro hal ciyaartoy oo Liverpool ah oo helay qiimayn ka saraysa 6 darajo mana jiro hal ciyaartoy oo kooxda Red Star ah oo helay qiimayn ka hoosaysa 7 darajo waxaanad si cad u fahmi kartaa dabeecadii ciyaartoyda labada kooxood sida ay u kala duwaynayd.

Halkan kaga bogo qiimaynta ciyaartoyda Liverpool iyo Red Star:

Red Star Belgrade: Borjan (7), Stojkovic (7), Savic (8), Degenek (7), Rodic (7), Srnic (7), Krsticic (7), Jovancic (7), Nabouhane (8), Marin (8), Pavkov (9).

Badalkii: Jovicic (5), Causic (6), Gobeljic (6).

Liverpool: Alisson (5), Alexander-Arnold (4), Matip (5), Van Dijk (6), Robertson (6), Milner (6), Wijnaldum (5), Lallana (5), Mane (6), Salah (5), Sturridge (4).

Badalkii: Gomez (5), Firmino (5), Origi (n/a).

Bogga 2-aad Ka Akhriso Qiimaynta Barcelona iyo Inter Milan:

3 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. A.S.C horta saxibyal waxan idin weydiiyey qiimeynta ciyaartoyda ma idinkaa iska qorqorta oo waa fekradiinna hadaad tihiin bahda shabakada GOOL24.net
    mise waxaad kasoo qorataan majaladaha caanka ah ee ku takhasusey cilmiga kubbadda cagta sida: SKY SPORT ooof kale

    F.G:waxan idin sheegayaa oo kale dadka su,aalaha idin weydiiyana dee uga jawaaba hadalka haka iibininee illeyn meesha waxaad kusoo qorteen fikraddada ka dhiibee

    • xusto saacid walaal waad mahadsan tahay in aad su’aashan na waydiisay. Waxaanu qiimaynta ka soo qaadanayaa majaladaha ugu caansan iyo waliba chanalada Sportska kuwa ugu caansan waxaana ugu badan Sky Sports ama shirkadaha qiimaynta sportska sida Whoscored oo kale. Mahadsanid.

Comments are closed.