QIIMAYN: Ciyaartoydii Fadeexada La Kulmay, Kuwii Bandhiga Layaabka Leh Sameeyay Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Man City & Chelsea Ee Kulankii Etihad Stadium.

Chelsea ayaa guuldaradii ugu cuslayd ee taariikhda kooxdeeda ee horyaalka Premier league kala  soo laabtay Manchester City kadib markii 6-0 lagu soo gumaaday waana guuldaradii ugu waynayd ee Blues ku soo gaadhay tartamada oo dhan tan iyo wixii ka danbeeyay gumaadkii taariikhda galay ee Nottingham Forest kaas oo ay 7-0 ku garaacday Blues markii ay taariikhdu ahayd April 1991kii.

Maurizio Sarri ayaa haddaba halis wayn ugu jira in shaqada kooxdiisa Chelsea laga caydhiyo iyada oo waliba ay shirkadaha khamaarka ee sharadka lagu galaa ay lacago badan du dhigeen in Sarri la tusi doono albaabka looga baxo Stamford Bridge.

Manchester City ayaa si ayna koox Premier league ah xili ciyaareedkan ula dhaqmin Etihad Stadium ugu gumaaday Chelsea oo xataa la kulmi kartay goolal ka badan inta looga badiyay waxayna Blues hadda u muuqataa koox ay si buuxda ugu adkaan doonto in ay kaalinta afraad ku soo bixi karto.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimaynta ciyaartoyda kooxaha Manchester City iyo Chelsea iyada oo aanu diirada saari doono kala duwanaanshihii cirka iyo dhulka isku ahaa ee labada kooxood.

XIDIGII GAROONKA: Sergio Aguero ayaa markale noqday xidigii garoonka kadib markii uu saddexley goolal ah dhaliyay wuxuuna Chelsea tusay waxa ay ka laayihiin goolka hortiisa ee dhamaystir ah iyada oo xidiga reer Argentina uu saddexleydiisii sagaalaad ku dhaliyay Etihad Stadium si uu u noqdo xidigii abid ugu horeeyay ee rekoodhkan gaadhay.

Sergio Aguero ayaa sidoo kale soo barbareeyay rekoodhkii taariikhiga ahaa ee uu Alan Shearer ku haystay saddexleyda abid ugu badan ee horyaalka Premier league wuxuuna Aguero muujiyay sida uu u yahay gool dhaliyaha Premier league ugu fiican.

Xidigihii Kulankan Ku Ceeboobay:

Ma jiro hal ciyaartoy oo Chelsea ah oo laga reebi karo in aanu ceeb la kulmin waxaana ugu sii liitay ciyaartoyda difaac oo lix gool laga dhaliyay balse waxaaba sidoo kale sii liitay min khadka dhexe ilaa weerarka oo aan lahayn hal ciyaartoy oo mid kale dhaamay.

Xidigihii Sida Khaaska Ah Isku Muujiyay:

Marka laga yimaado Sergio Aguero, waxaa kulan layaableh qaatay Fernandinho oo wali udub dhexaadka Man City ah, Zinchenko oo aaminaadii Guardiola si layaableh uga soo baxay, Bernardo Silva ayaa horumarkiisa sii watay laakiin Raheem Sterling ayaa isna si buuxda ugu qalmay xidigii garoonka ugu fiicnaa.

Halkan kaga bogo qiimaynta Ciyaartoyda Man City iyo Chelsea oo Dhamaystiran:

Man City: Ederson (7), Walker (7), Stones (7), Laporte (7), Zinchenko (8), De Bruyne (7), Fernandinho (8), Gundogan (8), B Silva (8), Sterling (9), Aguero (10)

Badalkii: Jesus (6), Mahrez (6), D Silva (7)

Chelsea: Kepa (5), Azpilicueta (4), Rudiger (4), Luiz (4), Alonso (4), Kante (4), Jorginho (4), Barkley (4), Pedro (4), Higuain (5), Hazard (4)

Badalkii: Kovacic (5), Loftus-Cheek (5), Emerson (5)