QIIMAYN BUUXDA: Liiska Boqolka Ciyaartoy Ee Waqti Xaadirkan Kubbada Cagta Aduunka Ugu Qiimaha Badan Oo La Shaaciyay.

Cilmi baadhis cusub oo ay samaysay hay’ada xog ururinta kubadda cagta ee CIES Football Observatory ayaa lagu qiimeeyay 100-ka xiddig ee ugu qaalisan shanta horyaal ee ugu waaweyn qaarada Yurub haatan waxaana kasoo baxay waxyaabo badan oo cajiib ah.

Dhacdooyinka ugu cajiibsan ee lagu arkay ayay kamid tahay in Lionel Messi oo markale soo qaatay xilli ciyaareed heer sarre ah 51 goolna kusoo dhaliyay 52 kulan uu kasoo muuqday booska afraad.

Sidoo kale Messi oo 31 sano jir ah ayaa soo sameeyay 18 gool caawimo waxaana uu ahaa sababta ugu weyn ee ay Barcelona tartan kasta ugu soo jirtay iyagoo kulanka uu ka maqan yahay si weyn u tabayay.

CIES Football Observatory ayaa ah mid qiimaynteeda ku salaysay dhinacyo badan oo kala ah da’da ciyaartoyga, Qandaraaskiisa haatan, Booska uu ka ciyaaro, Daqiiqadaha uu ciyaaray, Goolashiisa, Muhiimadiisa xulka iyo natiijooyinka.

Kaddib qiimayn lagu soo saleeyay qoddobadaas aan kor kusoo xusnay, Kabtanka Barcelona ayaa booska afraad kusoo baxay waxaana lagu qiimeeyay €167.4 Milyan.

Saxeexa cusub ee Real Madrid Eden Hazard ayaa isaguna kasoo muuqday kaalinta 19-aad waxaana uu ku qiimaysan yahay €120.7 Milyan marka laga yimaado inuu Chelsea kaga tagay 88 Milyan oo gaadhi kara 150 haddii gunooyinka la dhammaystiro.

Sheekada ugu yaabka badan ayaa ah in Cristiano Ronaldo oo ah dad badani u qabaan xiddiga ugu fiican dunida kubadda cagtu uu isku arkay booska 20-aad ee kala sarreyntan.

Haddaba Halkan Hoose Si Dhammaystiran Uga Akhriso Liiska 100-kan Ciyaartoy, Sida Ay U Kala Horreeyaan & SADDEXDA Nin Ee Ka Horreeya Lionel Messi.

100. Gianluigi Donnarumma (AC Milan) – €61.0m (£54.2m)

98 Christian Eriksen (Tottenham Hotspur) – €61.3m (£54.5m)

98  Mauro Icardi (Inter Milan) – €61.3m (£54.5m)

97. Thilo Kherer (Paris Saint-Germain) – €61.4m (£54.6m)

96. Arkdiusz Milik (Napoli) – €61.5m (£54.7m)

94 Ruben Neves (Wolverhampton Wanderers) – €62.4m (£55.5m)

94  Granit Xhaka (Arsenal) – €62.4m (£55.5m)

93. Marquinhos (Paris Saint-Germain) – €62.5m (£55.6m)

92. Federico Chiesa (Fiorentina) – €63.0m (£56.0m)

91. Nicolas Pepe (Lille) – €63.3m (£56.3m)

90. Houssem Aouar (Lyon) – €63.5m (£56.5m)

89. Fabian (Napoli) – €63.8m (£56.7m)

88. Diogo Jota (Wolverhampton Wanderers) – €64.0m (£56.9m)

87. Lucas Moura (Tottenham Hotspur) – €64.5m (£57.4m)

86. Serge Gnabry (Bayern Munich) – €64.9m (£57.7m)

85. Arthur (Barcelona) – €65.2m (£58.0m)

84. Luke Shaw (Manchester United) – €66.3m (£59.0m)

81 Luka Jovic (Real Madrid) – €66.4m (£59.1m)

81  Davinson Sanchez (Tottenham Hotspur) – €66.4m (£59.1m)

81  Youri Tielemans (Leicester City/Monaco) – €66.4m (£59.1m)

80. Koke (Atletico Madrid) – €67.0m (£59.6m)

Riix Bogaga 2-aad Ilaa 5-aad Si Aad Uga Boggato Qiimayntan Oo Dhammaystiran