XOG: Waa Kuma Xidiga Taariikhda Abid Ee Horyaalka Ingiriiska Ugu Fiicani? Boqolka Ciyaartoy Ee Taariikhda Premier League Ugu Fiican Oo La Shaaciyay Iyo Tobanka Xidig Ee Safka Hore Soo Galay.

Horyaalka Ingiriiska ayaa waqti dheer ahaa horyaalka ugu xiisaha badan kubbada cagta aduunka waxaana horyaalkan ka soo ciyaaray qaar ka mid ah ciyaartoyda ugu magaca waynaa kubbada cagta iyada oo wali uu horyaalka Premier league yahay kan aduunka ugu xiisaha badan isla markaana uu dhaqaalaha ugu badani ka soo baxo.

Wargayska caanka ah ee The Independent oo ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa qiimayn buuxda ku sameeyay 100 ka ciyaartoy ee taariikhda horyaalka Ingiriiska ugu fiican waxaana qiimayntan ka soo baxay liiska ciyaartoy magacooda ku soo qoray taariikhda horyaalka heerka kowaad ee England.

Qiimayntan waxaa lagaga jawaabay su’aasha waqtiga dheer soo taagnayd ee ah: Waa kuma ciyaartoyga taariikhda abid ee horyaalka heerka kowad ee England ugu fiicnaa? Waxaana qiimaynta The Independent lagu shaaciyay tobanka xidig ee loo aqoonsaday in ay yihiin kuwii abid ugu fiicnaa kubbada cagta England.

Liiska 100 ka ciyaartoy ee abid ugu fiicnaa kubbada cagta heerka kowaad ee England waxaa nasiib u yeeshay in ay ka soo muudaan ciyaartoy hadda ka tirsan kooxaha Premier league oo waayahooda ciyaareed aan wali soo gaba gabayn halka ay in badan oo liiskani ahi ay hore ciyaaraha uga fadhiisteen.

Haddaba shakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa qiimaynta uu wargayska The Independent ku sameeyay ciyaartoyda abid ee taariikhda horyaalka Ingiriiska ugu fiicnaa iyada oo aanu ka bilaabi doono ciyaartooyga kaalinta 100 ilaa inta laga soo gaadhayo ciyaartoyga loo doortay kan abid ugu fiicnaa horyaalka Ingiriiska.

Qaybta Kowaad Ee Ciyaartoyda u Dhexaysa 100-81 Ee Xidigaha Horyaalka Ingiriiska Ugu Fiicnaa:

Qaybta kowaad ee qiimaynta The Independent ee ciyaartoyda abid ugu fiicnaa horyaalka heerka kowaad ee Ingiiriska waxaa ku soo baxay laba ciyaartoy haddaba ka ciyaara horyaalka Premier league halka ay sidoo kale ku jiraan magacyo waqti hore ka soo xamaashay kubbada cagta heerka kowaad ee England.

Fernandinho oo Man City ka tirsan iyo James Milner oo Liverpool u ciyaara ayaa ka soo muuqday qaybta kowaad ee qiimayntan oo u dhexaysa 100- 81 halka liiska inta kale yihiin ciyaartoy hore oo horyaalkan ka soo shaqeeyay.

100 – Graeme Le Saux

99 – Cesar Azpilicueta

98 – Fernandinho

97 – James Milner

96 – Joe Cole

95 – Juninho

94 – Marcel Desailly

93 – Arjen Robben

92 – Robbie Keane

91 – Chris Sutton

90 – Sami Hyypia

89 – Edin Dzeko

88 – Lee Dixon

87 – Nani

86 – Peter Beardsley

85 – Freddie Ljungberg

84 – Emmanuel Petit

83 – Patrice Evra

82 – Jay Jay Okocha

81 – Steve McManaman

Riix 2,3,4,5,6 si aad uga bogato liiska 100 xidig ee taariikhda kubbada Cagta England Ugu Fiicnaa: