Qiimaha Tikidhada Finalka UEFA Super Cup Ee Liverpool & Chelsea Oo Lagu Dhawaaqay-Tiro Intee Leeg Ayaa Loo Qorsheeyay?

Qiimaha tikidhada finalka UEFA Super Cup ee magaalada Istanbul ku dhex mari doona kooxaha Liverpool iyo Chelsea ayaa lagu dhawaaqay, waxayna haddaba taageerayasha labada kooxood ogyihiin lacagta ay u baahan yihiin in ay ku daawan karaan finalka UEFA Super Cup.

Liverpool ayaa finalka UEFA Super Cup ugu soo baxday in ay ku soo guulaystay koobka Yurub ugu wayn ee UEFA Champions league halka Chelsea ay booskeeda ku xaqiijisatay in ay koobka labaad ee kooxaha yurub ee Europa League ay soo hanatay.

Garoonka kooxda Besiktas ee Vodafone Park stadium oo ku yaala magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayay kooxaha Liverpool iyo Chelsea ku balansan yihiin  August 14.

Qiimihii tikidhada finalka UEFA Super Cup ee xili ciyaareedkii hore magaalada Lille ku dhex maray kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa qayb ka mid ah sare loo qaaday.

Boqolkiiba 78% ka mid ah tikidhada finalka UEFA Super Cup waxay UEFA u qoondaysay taageerayaasha kooxaha Liverpool iyo Chelsea taas oo la micno ah in 38,000 kun oo tikidh ay heli doonaan taageerayaasha dad waynaha ee daawan doona finalka UEFA Super Cup.

Inta soo hadhay waxay UEFA u qorshaysay in la siin doono qaban qaabiyaasha finalka UEFA Super Cup, shirkadaha heshiisyada kula jira, xubnaha xidhiidhka kubbada cagta yurub iyo marti sharaf gaar ah.

Tikidhka ugu qiimaha hooseeya ee finalka UEFA Super Cup ee lagu gali doono garoonka Vodafone Park stadium waxaa lagu shaaciyay €50 yuro oo u dhiganta (£45 gini) laakiin qiimaha qaybta kale ayaa sare loo qaaday waxaana lagu gali karaa €150 yuro oo u dhiganta (£135 gini).

Kulankii finalka UEFA Super Cup ee xili ciyaareedkii hore dhex maray kooxaha reer Madrid waxa tikidhka ugu hooseeya lagu iibsanayay isla 50 yuro laakiin tikidhada kale ayaa 130 yuro ahaa halka hadda qiimaha ugu sareeyaa uu noqday 150 yuro waxaana ku kordhay 20 yuro.

Liverpool ayaa dib ugu laaban doonta magaalada ay taariikhda ku leedahay ee Istanbul halkaas oo ay sanadkii 2005 kii si layaableh ugu soo qaaday koobkeedii shanaad ee UEFA Champions league.