Qiimaha Suuqa Ee Neymar JR Oo Inta Uu Maanta Yahay Si Wayn Sarre Uga Kici Doona Barri -Sababtana Halkan Ka Ogow.

Xidiga xulka qaranka Brazil iyo kooxda Barcelona ee Neymar JR ayuu saacado kooban qiimihiisu si wayn sarre ugu kicin doonaa 24 ka saacadood ee soo socda iyada oo waliba laba saacadood oo isku xiga uu qimihiisu si wayn isku badali doono. Sababta isbadalkan ayaa ah saamaynta iyo dhaqanka heshiiskii uu Neymar JR saxiixay xili ciyaareedkii la soo dhaafay.

Neymar JR ayaa hadda heshiiskiisa lagu burburin karaa 190 milan oo eruos waana June 30,2017 laakiin kooxda doonaysa in ay barri July 1,2017 iibsato xidiga ree Brazil ma noqon doono qiimahani mid shaqeeya waxaana isbadali doona qodobka sheegaya lacagta heshiiskiisa lagu burburin karto.

Barri oo sabti ah isla markaana ay bisha July 1 tahay waxaa si rasmi ah udhaqan gali doona heshiiskii cusbaa ee uu Neymar JR saxiixay waxaana qandaraaskiisa lagu burburin karaa 222 euros waxaana laba saacadood oo isku xiga qiimihiisa suuqa ku kordhi doona 32 milyan euros.

Laakiin heshiiskii uu saxiixay Neymar JR ayaa sanadba sanadka ka danbeeya waxaa sarre u sii kici doona qiimaha lacageed ee heshiiskiisa lagu burburin karo wuxuuna saddexda xili ciyaareed ee heshiiskiisa ugu danbeeya gaadhi doonaa 250 milyan oo eruos.

Neymar JR ayaa waqti cajiib ah ku qaadanaya Barcelona kadib markii uu kooxda Santos kaga soo biiray sanadkii 2014 kii wuxuuna isfahan layaableh la samaystay Lionel Messi iyo Luis Suarez taas oo saddexdii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay ka dhigtay saddexda gool dhaliye ee aduunka ugu fiican.

Inkasta oo uu Neymar JR saxiixay heshiis cusub isla markaana uu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ka ciyaarista Camp Nou waxa haddana wali jira kooxo Yurub ka dhisan oo saxiixa xidiga ree Brazil wali doonaya oo ay ka mid yihiin Manchester United, PSG iyo Real Madrid.