Qiimaha Ay Real Madrid Ku Bilaabayso “Hawlgalka Pogba” Oo La Ogaaday & Damaca Man United Ee Xiddigeeda Oo Ah Mid Markasta Cad.

Sida dhawaanahanba suuqa kala iibsiga aadka ugu jirta, Kooxda Real Madrid ayaa si weyn u baadigoobaysa saxeexa khadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Paul Pogba iyadoo haatan la ogaaday qiimaha ay ugu horreynba ku bilaabi doonto hawl-galkiisa.

Madaxda iyo agaasimayaasha Man United ayaa la aaminsan yahay inay damacooda u cadeeyeen wakiilka xiddigan ee Mino Raiola iyaga oo u sheegay in Paul uusan marnaba si fudud kaga bixi doonin kooxda.

Xaqiiqdii Red Devils ayaa doonaya inay heshiis cusub oo mudo dheer ah ka saxeexdaan xiddigan maadaama midkiisa haatan ku eeg yahay June 30 2021 waxaana aya aaminsan yihiin in bixitaankii Jose Mourinho uu keenayo inaan Pogba wax dhib ah oo kale la dhex marin kooxda.

Dhinaca kale wargeyska Marca oo warkan soo tabiyay ayaa sheegaya in 26 jirkani uu qabo aragti kale oo ah in uu doonayo kahoos ciyaarista tababare Zinadine Zidane oo maamulaya Real Madrid.

Haddaba, Si hawlgalkani u midho dhalo Los Blancos ayaa u baahan doonta bixinta lacago badan oo soo jiidasho leh waxaana ay ugu horreynba ku bilaabi doonaan lacag 150 Milyan ah.

Iyadoo ay haatan kooxda Pogba u loolamayso hammiyo dhawr ah ayay xiddiga iyo Real isku af garteen inay wada hadlaan ku dhawaad bil kaddib.