Qareenka Neymar Oo Maanta Lagu Arkay Xafiisyada Mid Ka Mid Ah Kooxaha La Liga Ee Xiiseynaya Saxiixiisa Xagaagan

Taageerayaasha Barcelona ayaa ku riyoonaya soo laabashada Neymar.

Weeraryahanka reer Brazil ayaa magac ku sameystay kooxda isagoo u dhaliyay 105 gool 186 kulan uu u saftay. Waxaana uu mudadii uu joogay uu ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican caalamka isagoo ka garab ciyaarayay Lionel Messi iyo Luis Suarez.

Si kastaba, waxa uu si lama filaan ah ugu wareegay Paris Saint-Germain sannadii 2017 iyadoo kooxda Faransiiska ay ku iibsatay 222 milyan euro.

Warar soo baxay ka dib markii uu wareegay ayaa sheegayay inuu ka qoomameeyay heshiiska, waxaana xiddiga reer Brazil uu haatan doonayaa inuu dib ugu laabto Spain.

Neymar ayaa ka soo daahay tababarkii PSG ee xagaagan waxaana uu haatan diiday inuu u dheelo kooxda si ay u iibiyaan xagaagan.

Labada kooxood ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa lala xiriirinayay, inkastoo la sheegay inuu isagu jecel yahay inuu ku laabto kooxdiisa hore.

SIDOO KALE AKHRISO:  Arsenal Oo Diiday Dalab 30 Milyan Ah Oo Laga Soo Gudbiyay Mid Ka Mid Ah Xiddigaheeda & Chris Smalling Oo Laga Horjoogsaday Heshiis Amaah Ah

Barcelona ayaa xagaagan la soo wareegtay Antoine Griezmann taasoo shaki gelisay inay u dhaqaaqi doonaan soo xerogelinta Neymar.

Laakiin taageerayaasha Barcelona ayaa helay sabab ay ku farxaan ka dib markii qareenada Neymar lagu arkay Camp Nou maanta oo Isniin ah.

Juan Dios de Crespo ayaa mas’uul ka ahaa qaabkii loo bixiyay lacagtii 222ka milyan euro ee lagu burburiyay qandaraaska Neymar labo sannadood ka hor.

Si dhab ah looma yaqaano sababta uu dib ugu soo laabtay Camp Nou inkastoo wariyaha jariirada Mundo Deportivo ninka lagu magacaabo Marcal Lorente uu sheegayo inuu arimo kale u sheego oo aan shaqo ku laheyn Neymar.

Laakiin waa isku aad qariib ah in qareenkiisa uu tago Camp Nou iyadoo xiddigaan uu ku qasbayo PSG inay u ogolaado inuu ku laabto kooxdiisa hoe.

SIDOO KALE AKHRISO:  Maanta Ayuu Garanayaa Micnihii Dhabta Ahaa Ee Hadalkan! Erayadii Mucjisada Lahaa Ee Uu Jurgen Klopp U Sheegay Philippe Coutinho Oo Maanta Taagan.

Madaxweyne ku xigeen Barcelona Jordi Cardoner ayaa sheegay isbuucii la soo dhaafay inaysan bilaabin wadahadalada ay ku soo ceshanayaan weeraryahankoodii hore.