Afar Xul Qaran Oo South America Ah & Toban Xul Qaran Oo Yurub Ah Oo Booskooda Koobka Aduunka Diyaarsaday, Qaramada Wali Soo Bixi Kara Iyo Wamada Fursad Kale Ku Heli Doona Kulamada Play-offka.

Qaramada qaaradaha aduunka ayaa dagaal wayn ugu jira sidii ay uga mid noqon lahaayeen 32 ka xul qaran ee xagaaga soo socda ku tartami doona koobka aduunka ee Russia 2018, waxaana jira xulal ilaa hadda soo baxay iyo waliba kuwo ay suurtogal tahay in ay soo bixi karaan laakiin kulamadii isreeb reebka koobka aduunka ee South America, Yurub iyo Asia ayaa la soo gabagabeeyay waxaana hadda baaqi ah oo kaliya kulamada Play-offka iyo qaramada u soo baxay laakiin wali qaramada Afrika ayaa sii ciyaari doona kulamada ay sida rasmiga ah ugu kala bixi doonaan.

Isreeb reebkii koobka aduunka ee qaramada Yurub ayaa la soo gabagabeeyay waxaana loo kala baxay toban xul qaran oo si toos ah koobka aduunka ugu soo baxay, sideed xul qaran oo u soo baxay kulamada kala baxa ee Play-offka oo markale dagaal adag soo gali doona halka qaramadii kale ay macasalaameeyeen tartanka koobka aduunka Russia 2018. South America waxaa si toos ah u soo baxay afar xul qaran halka xulka qaranka kaalinta shanaad ku dhamaystay uu Play-offka soo gali doono.

Qarmaada South America ayaa xili danbe oo caawa ah ciyaari doona si ay ugu danbayn u go’aamiyaan saddexda xul qaran ee Brazil soo raaci doona iyo waliba xulka qaranka kaalinta shanaad ku dhamaysan doona ee New Zealand la ciyaari doona kulamada Play-offka.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qaarad kasta xulalka qaramada ilaa hadda ka soo baxay iyo kuwa ku soo biiri kara ee dhawaan soo bixi kara ama soo gaadhi kara kulamada kala baxa ee Play-off. Sidaa daraadeed, xulalka qaramada soo bixi kara ayaa aad u badan iyada oo qaar ka mid ahi ay hubaal tahay in ay hadhi doonaan.

Haddaba halkan kaga bogo qaarad kasta ama xidhiidh kasta oo kubbadeed qaramada ugu jira koobka aduunka ee ilaa hadda soo baxay iyo kuwa u soo bixi kara.

UEFA (Europe)

Qaramada Yurub Ee Koobka Aduunka U Soo Baxay:

1-Russia (marti galiyaal)

2-Belgium

3-Germany

4-England

5-Spain

6-Poland

7-Serbia

8-Iceland

9- France

10- Portugal

Qaramada Yurub Ee U Soo Baxay Kulamada Play-Offka Ee Markale Koobka Aduunka U Soo Bixi Kara:

1-Greece

2-Sweden

3-Switzerland

4-Northern Ireland

5-Republic of Ireland

6-Denmark

7-Italy

8-Croatia

AFC (Asia)

Qaramada Asia Ee Koobka Aduunka U Soo Baxay:

1-Iran

2-Japan

3-South Korea

4-Saudi Arabia

Qaramada Asia Ee Wali Soo Bixi Kara:

Australia

CAF (Africa)

Qaramada Africa Ee Ilaa Hadda Koobka Aduunka U Soo Baxay:

1-Nigeria

2-Egypt

Qaramada Africa Ee Koobka Aduunka Wali U Soo Bixi Kara:

Senegal

Burkina Faso

Cape Verde

Morocco

Ivory Coast

Tunisia

DR Congo

CONCACAF (North/Central America and Caribbean)

Qaramada Badhtamaha America iyo Caribbean-ka Ee Koobka Aduunka U Soo Baxay:

1-Mexico

2-Costa Rica

Qaranka Badhtamaha America iyo Caribbean-ka Ee Koobka Aduunka U Soo Baxay:

Panama

Qaranka Badhtamaha America iyo Caribbean-ka Ee Koobka Aduunka Ugu Soo Bixi kara Play-offka:

Honduras

CONMEBOL (South America)

Qaramada South America Ee Koobka Aduunka U Soo Baxay:

1-Brazil

2- Uruguay

3- Argentina

4- Colombia

Qaranka South America Ee Koobka Aduunka Ugu Soo Bixi Kara Play- Offka:

Peru

OFC (Oceania)

Xulka qaranka New Zealand ayaa ah kan kaliya ee Oceania ka socda ee koobka aduunka u soo bixi kara laakiin waxay marka hore kulamo marti iyo minan ah oo Play -offka ah la ciyaari doonaan Peru oo kaalinta shanaad kaga soo dhamaystay South America.

LIISKA XULALKA QARAMADA KOOBKA ADUUNKA U SOO BAXAY OO DHAMAYSTIRAN:

Ilaa hadda 23 xul qaran ayaa si toos ah ugu soo baxay koobka aduunka waxaana jiri doona 9 xul qaran oo ka soo bixi doona kulamada Play-offka iyo waliba kulamada ka hadhsan qaarada Afrika iyada oo saddex xul qaran oo Afrika ah laga sugayo koobka aduunka. Liiska oo dhan halkan kaga bogo ee qaramada soo baxay.

🇷🇺Russia- Marti galiyaal
🇧🇷Bazil
🇮🇷Iran
🇯🇵Japam
🇲🇽Mexico
🇧🇪Belgium
🇰🇷Korea
🇸🇦Saudi Arabia
🇩🇪Germany
🦁England
🇪🇸Spain
🇳🇬Nigeria
🇨🇷Costa Rica
🇵🇱Poland
🇪🇬 Masar
🇮🇸Iceland
🇷🇸Serbia
🇫🇷France
🇵🇹Portugal
🇦🇷Argentina
🇨🇴Colombia
🇺🇾Uruguay
🇵🇦Panama

Comments

comments