QALBI JAB: Vincent Kompany Oo Murugo Kala Kulmay Go’aankii Uu Anderlecht Ugu Noqday Ciyaartoyga &Tababaraha Iyo Dhacdo Aan La Arag 56 Sano Oo Uu La Kowsaday.

Kabtankii hore ee kooxda Manchester City ee Vincent Kompany ayaa shalay ku dhawaaqay in uu ciyaartoy iyo tababare ka noqon doono kooxdiisii carruurnimo ee Anderlecht.

Laakiin saacado kadib markii lagu dhawaaqay heshiiska uu Vincent Kompany ku noqonayo tababare-ciyaartoy kooxda Anderlecht waxaa dhacday arin aan kubbada cagta Belgium laga soo diwaan galin muddo 56 sanadood ah.

Kompany ayaa qalbi jab ku wajahaya kooxdiisa cusub ee ahayd warshadii isaga oo yar ka dhigtay xidiga uu maanta yahay laakiin waxa uu ku qasbanaan doonaa in uu dagaal kale u soo galo.

Kooxda Anderlecht ayaa xalay laga cidhibtiray u soo bixitaanka tartanka kooxaha yurub markii ugu horaysay muddo 56 sanadood ah waxayna arintani dhacday saacado yar kadib markii lagu dhawaaqay heshiiska Kompany.

Kulamadii isreeb reebka kooxaha Belgium ee loogu soo baxayay Champions League iyo Europa league waxayna jamaahiirta Anderlecht muujiyay cadhadooda iyaga oo walxo ololaya garoonka ku soo tuuray.

Kulamadii playoff-ka kooxaha Belgium ayay Anderlecht kaga dhamaysatay kaalinta ugu hoosaysa iyada oo hal guul oo kaliya soo heshay toban kulan taas oo u diiday in ay tartamada Yurub u soo baxaan.

Kulankii xalay waxay Anderlecht guuldaro 2-1 ah kala kulantay kooxda Gent taas oo sabab dhab ah u noqotay in markii ugu horaysay muddo 56 sanadood ah ay Anderlecht ka maqnaan doonto tartamada kooxaha Yurub.

Kooxda Championska Belgium ee Racing Genk ayaa si toos ah ugu soo baxday heerka guruubyada UEFA Champions League halka kooxda Club Bruges oo kaalinta labaad ka gashay isreeb reebka Belgium ay markale isreeb reeb u soo gali doonto Champions League.

Laakiin kooxda kaalinta saddexaad gashay ee Standard Liege ayaa dagaal isreeb reeb ah u soo gali doonta Europa League halka Anderlecht ayna haysan wax fursad oo ay kaga ciyaari karto Champions League ama Europa League.

Si kastaba ha ahaatee, Anderlecht ayaa u baahan doonta in Kompany uu ciyaartoy ahaan iyo ka tababare ahaanba uu kooxda dib ugu soo celiyo tartamada yurub iyo halkii ay horyaalka Belgium ku lahayd.