Qaladaadkan Difaacasho Lama Hortagi Karno Liverpool-Tababaraha Bayern Munich Ee Niko Kovac Oo Walaac Xoogan Ka Muujiyay Xaalada Kooxdiisa Bayern.

Kooxda Bayern Munich ayaa qaladaad difaacasho ka samaysay kulankii xalay la ciyaareen kooxda Augsburg wuxuuna tababaraha Bayern Munich ee Niko Kovac uu walaac ka muujiyay in kooxdiisu ayna qaladaadka difaacasho ee noocan ah la hortagi karin kooxda Liverpool ee ay todobaadkan Champions League ku wada ciyaari doonaan.

Bayern Munich ayaa laba jeer goolal looga hormaray kulankii horyaalka Germany ee Augsburg inkasta oo ay ugu danbayn guul 3-2 ah gaadheen laakiin tababare Niko Kovac ayaa daawanayay difaaca kooxdiisa Bayern oo qaladaad xun sameeyay.

Kingsley Coman ayaa laba gool kooxdiisa u dhaliyay lakaiin Leon Goretzka ayaa kooxdiisa Bayern Munich gool ka dhalyay laakiin David Alaba oo goolka guusha u saxiixay Bayern Munich ayaa dhaawac canqoga ah looga saaray kulankii Augsburg taas oo walwal ku abuuraysa Bavaria.

Tababaraha Bayern Munich ee Niko Kovac oo ka hadlaya in ayna kooxdiisu qaladaadkii Augsburg la hor tagi karin Liverpool ayaa yidhi: “Kani (qaladaadka difaac) anaga nooguma dhici karo Liverpool. Marka ay ciyaartoydaydu bilaabaan in ay dadka ku sii daayaan Liverpool, khaas ahaan saddexda weerarka  [Mohamed Salah, Sadio Mane & Roberto Firmino], kadib waxaanu naftayada ku arki doonaa xaalad aad u adag ee daqiiqada ugu horaysaba”.

Niko Kovac oo ciyaatoyda kooxdiisa Bayern Munich fariin u diraya ka hor kulanka Liverpool ee Champions league ayaa yidhi: “Taasi waa sababta ay muhiim u tahay in aad kubbada masuuliyad ku qaadato oo aad u dhaqanto hab dhisibiliin leh. Kadib waxbaad difaacan kartaa, laakiin haddii aad kooxda kaa soo horjeeda u ogolaato in ay ordaan, kadib koox kasta oo Bundesliga ahi tayo ay goolal ku dhaliyaan ayay leeyihiin”.

Tababare Niko Kovac ayaa markale walaac xoogan ka muujiyay difaacashada kooxdiisa Bayern Munich isaga oo sheegay in saddexdii bartilmaameed ee Augsburg ay laba goolal noqdeen wuxuuna yidhi: “Waxaan dareemay in saddexdii darbo ee ka yimid Augsburg ay laba gool ku dhaliyeen, taas ayaa ah waxa aas aas ahaan xili ciyaareedkan oo dhan na ugaadhsanayay, darbo kastaaba waa gool”.