Qaab Ciyaareedkiisii Xulka France,Waxa Keenay Hoos U Dhaciisa,In Ay Dhaawacyadu Saameeyeen Iyo Jose Mourinho Oo Markale Si Aan Fiican Uga Hadlay Xaalada Paul Pogba

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa markale si aan wanaagsanayn uga faalooday xiddiga kooxdiisa ee Paul Pogba oo wakhti aan wacnayn ku qaadanaya kursiga keydka ee Old Trafford.

Jose oo ugu horaynba diiday inuu Paul Pogba ku amaano qaab ciyaareedkii ilqabadka lahaa ee uu kusoo bandhigay xulkiisa France badhtamahii usbuucan ayaa yidhi “Kama faaloodo qaab ciyaareedka ciyaartoydaydu ay kusoo bandhigaan qaramadooda”.

Mourinho ayaa markale bixiyay jawaab uu mad madaw ku jiro mar wax laga waydiiyay waxa keenay hoos u dhaca xili ciyaareedkan ee Pogba ayaa yidhi “Isaga waydiiya,isaga waydiiya marka aad fursad u heshaan waxa uu u malaynayo”.

Jose oo sidoo kale wax laga waydiiyay sida uu qaab ciyaareedka ugu fiican kaga soo saari karo xiddiga reer France ayaa ku jawaabay “Waan ka shaqaynayaa,waa waxa kaliya een samayn karo ma samayn karo wax kale”

Jose Mourinho ayaa sidoo kale diiday inuu dhaawacii Paul Pogba soo gaadhay bilowgii xili ciyaareedka mar marsiiyo uga dhigo qaab ciyaareedka liita ee xiddigan ayaa yidhi “Aad ayuu u fiican yahay dhaawaca kadib, waxa uu ahaa dhaawac xun waxa uu ahaa dhaawac ay ciyaartooyda kale,kooxaha kale iyo qiimaynaha caafimaad ee kale ay kusoo afjari laahaayeen qaliin.Dookhiisa waxa uu ahaa inuusan tagin miiska qaliinka soo kabashadiisa waxay ahayd mid aad u wacan”

“Aad ayuu u fiican yahay marka loo fiiriyo kasoo kabashadiisa dhaawaca kaasoo mar mar soo laaban kara xaladiisu gabi ahaanba kuma xidhna dhaawac aad ayay u wacnayd soo kabashadiisa”ayuu Mourinho hadalkiisa sii raaciyay.

Paul Pogba ayaa isagu ilo kooxda ku dhaw u sheegay inuusan dagaal afka ah la gali doonin Mourinho balse uu garoonka isku dhex muujin doono.
ka u sarreeya waa ciwaan