Pual Pogba Wuu Ku Saxan Yahay In Uu Dalbado Ka Bixitaanka Old Trafford, Jose Mourinho Ayaa Cabudhiyay, Labada Dhinacna Bixitaanka Ayaa U Fiican.

Mustaqbalka xidiga khadka dhexe ee xulka qaranka France iyo kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa wali ah mid uu shaki wayni ku jiro isaga oo dalbaday in uu ka baxo Old Trafford laakiin xidigii hore ee Man United ee Paul Ince ayaa aaminsan in Pogba uu go’aanka bixitaankiisa ku saxsan yahay maadaama oo uu cabudhin kala kulmay Jose Mourinho.

Jose Mourinho ayaa si xun ula soo dhaqmay Pual Pogba isaga oo xataa ka xayuubiyay kabtan ku xigeenkii uu Manchester United ka ahaa waxayna colaadoodu soo bilaabantay xili ciyaareedkii hore iyada oo waliba Mourinho uu kulamo badan kaydka dhihgay Pogba.

Jose Mourinho ayaa gaadhay heer uu uu ka cadhoodo in su’aal laga waydiiyo Pogba wuxuuna marar badan muujiyay sida uu Pogba ugu cadhaysan yahay balse taas badalkeeda Pogba ayaa dhawr jeer saxaafada siiyay waraysiyo ka cadhaysiiyay Mourinho iyo kooxdiisa Man United.

Pual Pogba ayaa laga mamnuucay in uu saxaafada la hadlo inkasta oo marka uu xulka qarankiisa France matalayo uu haysto fursad uu ku bixiyo warayso badan wuxuuna xidigii hore ee Man United ee Paul Ince uu ku dooday in Mourinho uu cabudhiyay Pogba isla markaana uu ku saxan yahay in uu dalbado in uu baxo.

Pual Ince oo wararka Pogba bixitaankiisa ka hadlaya ayaa yidhi: “Anigu ma sheegi karo in ay layaab igu noqotay in aan maqlo wararka xanta ee Pual pogba ee soo jeedinaya in uu January ka baxayo Old Trafford. Dhawaan waxa uu sheegay in uu markasta ku faraxsan yahay Manchester united, laakiin waxba taas kama aaminsana”.

Pual Ince oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Kooxda waxaa waajib ku ah in ay si taxadar leh uga fikirto haddii ay isaga ku faraxsan tahay in ay u ogolaato in uu baxo, inkasta oo aan sheegi karo in dabeecadiisa sanadkii hore ay go’aankaas ka dhigi doonto mid sahlan”.

Intaa kadib Pual Ince ayaa ku dooday in bixitaanka Pual Pogba ee Man United ay labada dhinacba u fiicnaan doonto wuxuuna yidhi: ” Waxaan aaminsanahay in ka dhaqaaqida Pogba ee United ay noqon dooto mid ku haboon labada dhinacba. Haddii aan daacad noqono isagu marnaba soo laabashadiisa kumuu sal dhigan”.

Pual Ince ayaa aaminsan in waqtiga uu Pogba sii joogo Man United uu sii socon doono wararkiisa suuqa isla markanaa uu laftiisu qayb ka yahay: “Isagu waa mid ka mid ah ciyaartoydaas inta uu United joogo ay dhibaato iyo hadal sii jirayaan. Shaqsiyadiisu waxay sii walaaqdaa xanta suuqa sida sawirkii uu dhawaan la galay Messi, isagu waa dareen raadsade, waxa uu doonayaa in dadku ay isaga ka hadlaan”.

Laakiin sidoo kale Pual Ince ayaa sheegay in Jose Mourinho laftiisu uu cabadhun saaray Pual Pogba isla markaana uu ku saxan yahay in uu dalbado in uu Man United ka baxo taas oo uu u arko in ay labada dhinacba u fiican tahay.