PSG Oo War Ka Soo Saartay Mustaqbalka Kylian Mbappe Kadib Hadalkii Uu Jaho Wareerka Ku Sameeyay.

Kooxda PSG ayaa war ka soo saartay mustaqbalka Kylian Mbappe kaas oo xalay saxaafada ka hor sheegay war lama filaan ku noqday maamulka sare ee PSG iyo tababare Thomas Tuchel.

Kylian Mbappe ayaa markii uu ku guulaystay abaal marinta xidiga sanadka ee horyaalka France ugu fiican waxa uu saxaafada ka hor sheegay in uu diyaar u yahay in uu masuuliyad badan qaato oo uu ka bixi karo PSG.

War ay PSG ka soo saartay Mbappe ayay ku beenisay in uu kooxdeeda ka baxayo waxaana lagu balan qaaday in uu kooxdiisa joogi doono oo ay waliba taariikh cusub ka dhigi doonaan tartamada kooxaha Yurub.

Kylian Mbappe ayaa hadalka uu jaho wareerka ku abuuray ku yidhi: “Laga yaabee in uu yahay waqtigii aan masuuliyad badan qaadan lahaa, laga yaabee in aan farxad ugu qaato PSG, ama meel kale iyo mashruuc cusub, si walba oo ay noqoto qof kastowba waad mahadsan tahay”.

Hadalkan uu Kylian Mbappe xaflada ka sheegay ayaa markiiba noqday sidii miino uu ku qarxiyay PSG dhexdeeda iyada oo saxaada France ay markiiba bilawday in ay da’yarkan su’aalo dheeraad ah waydiiyaan.

Warbaahinta France ee Get French Football News  ayaa Kylian Mbappe wax ka waydiisay in uu sharaxo hadalka bixitaankiisa wuxuuna ugu jawaabay: ” Waxaan sheegay wixii  ay ahayd in aan sheego. Marka aad waqtigan oo kale ku jirto fariimo ayaad diri kartaa, waxaan filayaa in aan midayda diray”.

Laakiin Kylian Mbappe ayaa xaalada dabka ku sii shiday wuxuuna yidhi: “Haddii aan in ka badan hadlo, waxay noqon doontaa mid aad uga sii badnaan karta, taasina ma aha fariinta aan doonayo in aan diro”.

Kylian Mbappe oo abaal marinta ka gudoomaya Didier Drogba
Kylian Mbappe oo abaal marinta ka gudoomaya Didier Drogba

Laakiin kooxda PSG ayaa cadaysay in aanu Mbappe meelna uga socon kooxdeeda waxaana qoraal la soo saaray lagu sharaxay sida uu hamiga kooxdodu yahay.

Qoraalka Paris Saint-Germain oo lagu soo dul qoray sawirka Mbappe ayaa lagu bilaabay: “Laba sanadood waxa uu dabar xoogani u dhexeeyay PSG iyo Kylian Mbappe, isla markaana sheekadani way sii socon doontaa xili ciyaareedka soo socda”.

” Waxa uu Hamigu yahay mid la wadaago oo ah in sanadkakan taariikh laga sameeyo kubbada cagta Yurub ee sanad guurada 50 aad ee kooxda” ayaa qoraalka PSG la sii raaciyay.

Qoraalka PSG oo sii socda ayaa lagu yidhi: “Waqti aad loo sugayo kaas oo aan dhamaanteen si wada jir ah u qori doono bog cusub oo fiican oo taariikhda kooxda ah halkaas oo shaqsi kastaaba ay waajib ku tahay in uu doorkiisa wada jirka ka ciyaaro”.

Qoraalka PSG iyo hadalkii Mbappe ayaa u muuqda kuwo iska soo horjeeda oo isburinaya maadama oo uu xidiga reer France cadeeyay in hadalkiisii uu ahaa fariin uu doonayay in uu diro.