PSG Mise Barcelona? Wargeyska Sport Oo Ka Faalooday Mustaqbalka Antoine Greizmann Kaddib Hadalkii Cuslaa Ee Uu Dhawaan Mustaqbalkiisa Ka Sheegay.

Antoine Greizmann ayaa markale sameeyay arrintii uu caanka ku noqday dhawaan isaga oo saxaafada war ay markale ku mashquusho uga sheegay mustaqbalkiisa kaddib markii uu xusay inuu garanayo kooxda uu xilli ciyaareedka dambe ka ciyaari doono.

Greizmann ayaa xilli ciyaareedkii hore Atletico Madrid iyo Barcelona ku qasbay inay sugaan go’aankiisa kama dambaysta ah isagoo markii dambe dhokumentari ku sheegay inuu baaqi kusii ahaanayo Atletico.

Greizmann ayaa sheegay in uusan kaliya ogayn kooxda uu xilli ciyaareedka dambe u dheeli doono balse uu sidoo kale garanayo kooxda uu toddobada sano ee soo socda u ciyaari doono taas oo dhalisay in la falanqeeyo kooxdaas.

Warar kala duwan ayaa sheegaya in Barcelona ay bixin doonto lacagta 120-ka Milyan ah ee lagu burburin karo qandaraaska xiddigan bisha July.

Dhinaca kale waxaan meesha ka maqnayn Paris Saint-Germain waxaana soo badanaya wararka sheegaya in Greizmann uu kooxdaas ka bedeli doono Edinson Cavani isla markaana uu kulan la qaatay madaxweynaha kooxdaas ee Nasser Al-Khelaifi oo ay waxkasta kala saxeexdeen.

Haddiiba ay dhabawdo in Greizmann uu doorto PSG ayay sababta uu Barcelona ku diiday kamid noqon doonaan qolka labiska Barca oo kasoo horjeestay imaanshahiisa kooxda iyo waliba qayb kamid ah jamaahiirta oo aan doonayn.

Xaqiiqada ayaa ah in sidoo kale ay jiraan dad badan oo isla Camp Nou ku sugan kuwaas oo aaminsan in Greizmann uu si fiican ugu soo bixi lahaa kooxdooda.