PL Deadline Day – Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda & Waxyaabihii Ay Wargeysyada Ugu Waaweyn Yurub Ka Qoreen Maanta Oo Khamiis Ah

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel walba oo aad joogtaan, sida aan inooga barateen waxaan maanta oo Arbaca ah idiin soo gudbineynaa wararkii ugu danbeeyay ee ay qoreen wargeysyada iyo warbaahinta qaarada Yurub ee ku saabsan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

FIIRO GAAR AH: Wararka Suuqa kala iibsiga  waxaa xaqiiqonimadooda iska leh hadba wargayska ku hor qoran ee xogta suuqa helay, sidaa daraadeed, shabakada Gool24 kama masuul aha xaqiiqinimada warararka suuqa kala iibsiga maadaama oo aanu soo turjunay oo kaliya.

WARARKA SUUQA KALA IIBSIGA

Romelu Lukaku ayaa ugu dambayn gaadhay magaalada Milano si uu u dhammaystiro heshiis 80 Milyan gaadhi kara oo uu ugu wareegayo kooxda Inter Milan. (BBC Sport)

SIDOO KALE AKHRISO:  Kadib Dhaawacyada Lionel Messi & Luis Suarez, Qaabkuu Ernesto Valverde Ku Xalin Karaa Dhibaatada Weerarkiisa Ee Kulanka Adag Ee Real Betis?

Real Madrid ayaa wadahadalo ay ku doonayso Neymar JR la furtay kooxda ree France ee Paris Saint-Germain (Sky Sports)

Rabitaankii Barcelona ee ahaa inay dib ula soo saxeexato Neymar ayaa ah mid haatan ku xidhan in kooxdu ay marka hore dirto Philippe Coutinho xilli Madrid ay soo gashay tartanka Neymar.(Goal)

Manchester United ayaa filanaysa inay maanta oo ah maalinta xidhitaanka suuqa Premier League bixiso dhammaan 81 Milyan ee Pound ee lagu burburin karo heshiiska weeraryahanka Athletic Bilbao ee Inaki Williamns (El Chiringuito TV – via Mail)

Everton ayaa si rasmi ah hal xilli ciyaareed oo amaah ah ugula soo wareegtay daafacii midig ee kooxda AS Monaco ee Sidibe. (Everton FC)

SIDOO KALE AKHRISO:  LA OGAADAY: Xidigii Muhiimka Ahaa Ee Ay PSG Ka Dalbatay Real Madrid In Ay Dalabkeeda Neymar Jr Soo Raaciso Oo La Ogaaday-Mana Aha Modric.

Heshiiskii uu Leroy Sane kaga wareegayay Manchester City ee uu ugu biirayay Bayern Munich ayaa ah mid hakad yari ku yimid waxaana adkaynaya dhaawacii Sane ku gaadhay kulankii Community Shield ee jilibka ahaa (Mail)

Daafaca dhexe ee kooxda Chelsea ee David Luiz ayaa loo ogolaan doonaa inuu lacag 8 Milyan ah ugu biiro Arsenal (Mirror)

Crystal Palace ayaa dalabka warqabada bixitaanka ka heshay xiddigeeda Wilfred Zaha xilli uu si weyn u xiisaynayo u dhaqaaqista kooxda Everton oo dalabaad kasoo gudbisay (Express)

Palace ayaa u sheegtay Everton inaysan aqbali doonin wax ka yar 100 Milyan haddiiba ay iibinayaan Zaha (Guardian)

Riix Bogga 2-aad Si Aad U Akhrisato Wararka Suuqa Uu Dhammaystiran