“Pickford Waa Boqortooyo” – Twitter-ka Oo Falcelin Layaab Leh Ka Sameeyey Bandhig Ciyaareedkii Goolhaye Jordan Pickford

Goolhayaha xulka qaranka England ee Jordan Pickford ayaa kaalin weyn ka ciyaaray guushii xulka dalkiisu ka gaadhay Sweden ee u suurtogalisay inay u gudbaan wareegga afar dhamaadka Koobka Adduunka.

Jordan Pickford ayaa badbaadiyey fursado badan oo goolal noqon karayayey qaybtii hore iyo qaybtii labaad ee ciyaartaba, waxaanu shabaqiisa ka dhigay mid ka nabad-qaba kubbado iska gala iyo in lagu soo xisaabtamo in si sahal ah kubbaddu u gaadhi karto.

Xulka England ayaa 2-0 ku dhirbaaxay Sweden oo bandhig ciyaareed wanaagsan muujisay kulamadii hore ee Koobka Adduunka, waxaana labada gool u kala dhaliyey Maguire iyo Dele Alli.

Haddab guushan ayaa waxay jamaahiirta Ingiriisku u hibeeyeen goolhaye Pickford oo ay sheegeen in haddii aanu dedaal badan samayn lahayn laga daba keeni lahaa goolasha.

Taageereyaasha oo adeegsanaya barta Twitterka ayaa waxay ku sifeeyeen Pickford boqor, halka goolkiisana ay ku tilmaameen guri boqortooyo.

Wariyaha Talyaaniga ah ee Tancredi Palmeri ayaa ku sifeeyey Pickford goolhayaha ugu wanaagsan dunida ee u dhashay waddanka Ingiriiska ee ka dambeeyey halyeygii hore ee dalkaas ee Gordon Banks, hase yeeshee taageere kale ayaa ka dalbaday FIFA in loo doorto goolhayaha ugu wanaagsan sannadkan, halka uu mid kalena ku sifeeyey boqor dhex jooga guri boqortooyo.

Halkan ka akhri qaar ka mid ah falcelintii Jamaahiirta iyo wariye Tancredi Palmeri: