Philippe Coutinho Oo Buuxiyay Kabihii Neymar Jr Iyo Xulka Brazil Oo Guul Wayn Ku Furtay Tartanka Copa America.

Xulka qaranka Brazil ee marti galinaya tartanka koobka South America ee Copa America ayaa guul wayn ugu furtay tartankan kadib markii uu Philippe Coutinho buuxiyay doorkii laga filayay in uu xulkiisa ugu buuxiyo maqnaanshaha Neymar Jr.

Brazil ayaa 3-0 ku garaacday xulka Bolivia kulankii furitaanka ee Copa America laakiin guusha ay Brazil gaadhay ayaan ahayn mid ciyaarta oo dhan ay ku raaxaysteen.

Xulka Bolivia ayaa iska caabin adag muujiyay qaybtii hore ee ciyaarta waxayna Brazil oo dalkooda lagu ciyaarayay ku qasbeen in ay qaybtii hore ee ciyaarta gool la’aan ku kala nasteen.

Goolhayaha xulka qaranka Bolivia ee Carlos Lampe ayaan cabsi badan dareemin 45 kii qaybtii hore ee ciyaarta iyada oo xulka Brazil aanu abuurin fursadihii gool dhalineed ee laga filayay.

Daqiiqadii 50 aad ee qaybtii labaad ee ciyaarta xulka qaranka Brazil ayaa rekoodhe loogu abaal mariyay kadib markii uu garsooraha reer Argentina ee Nestor Pitana uu ku qancay muuqaal caawiyaha garsoorka VAR oo markii ugu horaysay laga hirgaliyay Copa America oo uu dib u eegay.

Philippe Coutinho ayaa kubbada qaatay wuxuuna goolka furitaanka ku garaacay goolhaye Lampe kaas oo awoodi waayay in uu wax badbaadin ah sameeyo wuxuuna Coutinho ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Brazil hogaanka kula wareegtay.

Laakiin Brazil ayaa u baahtay 120 ilbidhiqsi oo kaliya si ay goolkooda labaad u keensadaan waxaana markii labaad dabaal degay xidiga xaalada adag Barcelona ku soo qaatay ee Philippe Coutinho oo gool madax ah ku dhaliyay kubbad caawin uu ka helay saaxiibkiisii hore ee Liverpool ee Roberto Firmino.

Goolka labaad ee uu Coutinho sida deg dega ah ugu dhaliyay xulkiisa Brazil waxa uu siiyay kalsooni buuxda halka xulka Bolivia uu ku abuuray niyadjab iyo in ayna hore uga jawaabi karin goolkii hore ee rekoodhaha ahaa.

Ciyaarta ayaa noqotay 2-0 uu xulka marti galinaya Copa America ee Brazil uu hogaanka ku dheeraystay isla markaana ay jamaahiirtu ugu danbayn cod farxad leh ugu heeseen.

Daqiiqadii 85 aad ee dhamaadkii ciyaarta Everton Saores oo ciyaarta badal ku soo galay ayaa dhaliyay goolka saddexaad ee ay Brazil sida rasmiga ah ugu xaqiijisatay saddexda dhibcood iyo guusha ay Bolivia ka gaadheen.

Guushani waxay Brazil ka caawinaysaa in ay qaab fiican ugu bilawdeen Copa America ka hor inta ayna Group A kula ciyaarin Venezuela iyo Peru, waxayna sidoo kale Coutinho labada gool ka caawin doonaan in uu kalsoonidii ka luntay soo ceshan karo.