Philippe Coutinho Oo Albaabka Ka Xidhay Manchester United – Miyuu Doonayaa Inuu Dib Ugu Soo Laabto Liverpool & Anfield?

Barcelona ayaa u baahnaan doonta inay qaar kamida xiddigaha kooxdeeda iska dirto si ay maal-gelin dhaqaale ugu hesho heshiiska riyada ee ay ku doonayo inay Neymar dib ugu soo celiso kooxdeeda.

Mid kamida xiddigahaas ayaa ah Philippe Coutinho kaas oo 18 bilood kahor kaga soo biiray dhinaca kooxda Liverpool balse ay ku adkaatay inuu helo qaab ciyaareedkiisii ugu wacnaa ee uu ku qancin lahaa kooxdaas.

Manchester United ayaa lagu sheegay koox mudo dheer xiiso usoo haysay Coutinho halka kooxdiisii hore ee Liverpool iyo Paris Saint-Germain ay yihiin kuwo xaaladiisa dusha kala socda.

Haddaba, Sida uu haatan xusay wargeyska Express Sport, Philippe ayaan doonayn inuu u wareego Man United sababtuna ay tahay inuu wali daacad u yahay kooxdii uu hore ugu soo ciyaaray ee Liverpool oo ay United xifaaltmaan.

SIDOO KALE AKHRISO:  Wixii Uu Ku Soo Dhamaatay Kulankii Maanta Ee Barcelona & PSG Ee Saxiixa Neymar Oo La Ogaaday & PSG Oo Sharuud Hordhigtay Barca

Wargeyska ayaa sheegaya in diidmadaas Coutinho ee Old Trafford ay albaabka u furayso inuu ku laabto Reds iyo Anfield balse waxa sidoo kale macquul ah inuu u wareego dhinaca PSG.

Barcelona ayaan ka laba-labayn doonin haddii Paris Saint-Germain ay ogolaanayso heshiis Coutinho oo lagu daray lacag ah oo ay kaga helayo Neymar.

Imaatinka Greizmann ayaa ah mid haatanba xaalada kusii adkaynaya Coutinho waxaana ay xaaladu heerka ugu xun gaadhi doontaa haddii Coutinho oo wali jooga uu sidoo kale kooxda soo gaadho Neymar.

Xilli ciyaareedkii hore ayuu Coutinho soo dhaliyay 11 gool shan kalena caawiye kasoo ahaa balse waa xog liidata marka loo eego xiddig 142 Milyan ku qiimaysan.